Falanqeynta Kulanka Barcelona Vs Cadiz ee Horyaalka La Liga Spain

Barcelona ayaa mar kale loo diray cashir dheer marka ay timaado guushii ay gaartay Real Madrid kuwaasi oo u sii dhawaanaya Hogaanka Horyaalka, iyadoo Barca ay garoonkeeda ku so dhaweyndoonto kooxda Cadiz.

Barcelona vs Cadiz

Tartana La Liga

Saacada 16:00 pm Waqtiga Somaliyga

Garoonka  Camp Nou / Garsooraha  Juan Martinez (Spain)

Barcelona :- Ronald Araujo ayaa ahaa daaficii ugu fiicnaa Barcelona xilli ciyaareedkan laakiin waxaa laga yaabaa inuusan soo kabsan karin waqtigan. Philippe Coutinho, Ansu Fati, iyo Sergi Roberto ayaa ka soo kabsanaya dhaawac muddo dheer ah sidoo kalena waa inay fadhiistaan ​​kulankaan.

Iyadoo Martin Braithwaite uu haatan dhaawacan yahay, Antoine Griezmann ayay u badan tahay inuu booskiisa kooxda sii heysto. Riqui Puig iyo Miralem Pjanic ayaa kursiga keydka fadhiyay kulankii Paris Saint-Germain, waxaana laga yaabaa inay u saftaan kow iyo tobanka kulan ee ay wajahayaan Cadiz.

Cardiz:- Augusto Fernandez, Carlos Akapo, Jens Jonsson, iyo Luismi Quezada ayaa haatan dhaawacan waxaana laga saaray kulankaan. Marcos Mauro ayaa ganaax ku maqnaa kulankii Athletic Bilbao wuxuuna diyaar u yahay kulankan Barcelona.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Barcelona ayaa rikoor fiican ka heysata kooxda Cadiz waxaana ay badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ay ciyaareen labada koox. 

Cadiz ayaa hal guul ka soo hoysay Blaugrana waxayna dhib ku qabtaa kooxaha ka soo horjeeda kulankaan.

Kulankii labadan koox ee ka tirsanaa horyaalka La Liga ayaa dhacay sanadkii hore waxana uu ku dhamaaday guul layaableh oo ay 2-1 ku gaadhay kooxda Cadiz.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*