Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Barcelona Vs Deportivo Alaves ee Horyaalka La liga Spain

Falanqeynta Kulanka Barcelona Vs Deportivo Alaves ee Horyaalka La liga Spain

0

Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa Kooxda Deportivo Alaves Kulan ka tirsan Horyaalka Spain iyadoo Barca ay kulankeeda ugu danbeeyay soo bandhigtay ciyaar liidata kulankaasi oo qeyb ka ahaa koobka Copa Del Rey lakin Horyaalka ayay boorka iska soo jafeen iyagoo soo galay kaalmaha ugu horeeya ee Horyaalka.

Kulanka Barcelona Vs Deportivo Alaves

Tartanka La Liga Spain

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Camp Nou

Barcelona ayaa heysata liis dheer oo dhaawacyo ah iyadoo Gerard Pique, Ansu Fati, Sergi Roberto, iyo Philippe Coutinho ay dhaawacyo muddo dheer ku maqnaanayaan. Miralem Pjanic iyo Martin Braithwaite ayaa sidoo kale dhaawacyo ka soo kabsaday isbuucyadii u danbeysay, mana awoodi doonaan inay garoonka soo galaan kulanka Alaves.

Ronald Araujo waa maqane kale oo muhiim u ah Catalans wuxuuna wajahayaa loollan ka dhan ah waqtiga si uu u wajaho Paris Saint-Germain isbuuca soo socda. Clement Lenglet ayaa la nasiyey kulankii Sevilla waxayna u badan tahay inuu kusoo bilaaban doono kulankaan.

Dhaawacyada: Gerard Pique, Ansu Fati, Sergi Roberto, Philippe Coutinho, Miralem Pjanic, Martin Braithwaite, Ronald Araujo

Dhan kale kale Victor Laguardia ayaan wali si buuxda uga soo kabsan dhaawiciisa waxaana macquul ah inuusan u ciyaarin kooxdiisa Deportivo Alaves .

Dhaawac: Rodrigo Ely

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Barcelona ayaa rikoor fiican ka heysata Deportivo Alaves waxayna guuleysatay 17 kulan guud ahaan 24 kulan oo ay ciyaareen labada koox. 

Deportivo Alaves ayaa kaliya afar guul ka gaadhay Barcelona waxayna u baahan tahay guul kulankan.

Kulankii hore ee labadan koox ayaa dhacay sanadkii hore wuxuuna ku dhamaaday barbaro 1-1  Alaves ayaana kulankaasi ciyaartay daafac adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here