Ugu dambayn kulankii la wada sugayay ayaa dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Juventus kulan ay markii ugu horaysay muddo 2 sano ah iska hor iman doonaan xiddigaha sida weyn u xafiilatama ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Labada kooxood ayaa xaqiiqsaday booskooda wareega 16-ka champions League laakiin wali ku jira dagaal adag oo kaalinta 1-aad ah.
Barcelona ayaa haatan hogaaminaysa Group-ka kadib 15 dhibcood oo ay ka heshay 5-tii kulan ee ay ciyaartay waxana ay u baahantahay bar-baro ama guul si ay xaqiiqsato booska 1-aad.
Dhanka kale Juventus ayaan waxba ka dambayn Barcelona waxana ay leedahay 12 dhibcood oo ay ka heshay 5-tii kulan ee ay ciyaartay waxana ay u baahantahay guul ay ka gaadho Barcelona hadii ay doonayso in ay Barcelona kala wareegto kaalinta 1-aad.
Kulanka: Barcelona Vs Juventus
Tartanka: Champions League
Wakhtiga: 11:00
Garoonka: Camp Nou
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Barcelona ayaan guuldaro kala kulmin Juventus 4-tii kulan ee ugu dambaysay ee champions League iyaga oo 2 ka badiyay 2 kalena bar-baro la galay.
Halka guul ee ay Juventus Camp Nou kaga gaadhay Barcelona champions League ayaa ahaa bishii April 2003 markaas oo ay guul 2/1 ah ka gaadheen laakiin ku fashilmay in ay guul kale ka gaadhaan wixii intaas ka dambeeyay.
Juventus ayaan wax gool ah ka dhalin Barcelona 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen Barcelona, markii ugu dambaysay ee ay gool kaga dhaliso ayaa ahayd April 2017 markaas oo uu Giorgio Chiellini dhaliyay gool.
Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda ugu badanee guusha ka gaadha kulanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada champions League iyaga oo badiyay 19 kulan.