Home Horyaalka Spain Falanqeynta Kulanka Barcelona vs Osasuna. Kooxda Ronald Koeman oo ku jirta Booska...

Falanqeynta Kulanka Barcelona vs Osasuna. Kooxda Ronald Koeman oo ku jirta Booska 14-aad

0

Barcelona oo ku jirta kaalinta 14aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League ayaa raadin doonta guul ay sare ugu soo kici karto marka ay maanta oo Axad ah garoonka Camp Nou kusoo dhoweyso garoonka Osasuna.

Ronald Koeman ayay kooxdiisu guul-darro 1-0 ah la kulantay kulankii ugu dambeeyey horyaalka LaLiga waxaana soo garaacday Atletico Madrid, taas oo keentay inay 12 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hoggaanka horyaalka haysa ee Real Sociedad.

Barca ayaa qaladkii uu sameeyey Ter Stegen ee Carrasco u horseeday goolkii uu ka dhaliyey usbuucii hore ayaa waxay kaga soo doogtay guul weyn oo 4-0 ah oo ay ka gaadhay Dynamo Kiev, taas oo ay ugu gudubtay wareegga 16ka, hase yeeshee Koeman ayaa laga doonayaa inuu helo xal uu natiijooyin wanaagsan kaga keeno horyaalka.

Ciyaarta maanta oo ay Osasuna ku garaacaan, waxa ugu xigi doonta naadi aan awood badan lahayn oo kasoo dallacay heerka labaad oo ay toddobaadka dambe waajihi doonaan, waana Cadiz oo si lama filaan ah Real Madrid uga soo badisay.

Dhinaca kale, Osasuna ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey guulo la’aan ahayn, waxaanay hal dhibic oo kaliya kasoo heleen kulamadii Atletico Madrid, Sevilla iyo Huesca oo laba mar laga badiyey midna ay barbarro la galeen.

Saddex guulood, afar laga badiyey iyo iyo afar barbarro ah, waxay Osasuna siiyeen inay 11 dhibcood ka helaan horyaalka xili ciyaareedkan, waxaanay fadhiyaan kaalinta 15aad iyagoo isku dhibco ah Barcelona oo kaliya dhinaca goolasha kaga horreysa.

Dhibaatada ugu weyn ee kooxdan haysatay ayaa ahayd dhinaca gool-dhalinta, waxaana kaliya ay shabaqa taabsiiyeen siddeed gool sagaal kulan oo ay ciyaareen, halka iyagana laga dhaliyey sagaal gool.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Barcelona vs Osasuna

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 4pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Barcelona ayay dhaawacyo kaga maqan yihiin Ansu Fati iyo Ronald Araujo, halka Samuel Umtiti oo muddo dheer dhaawac jilibka ah u jiifay aan la hubin waqtiga uu garoomada kusoo laabanayo.

Gerard Pique iyo Sergi Roberto ayaa iyaguna ku biiray liiska dhaawacyada kulankii Atletico Madrid, waxaana Pique uu dibedda ka joogi doonaa garoomada muddo afar bilood ah, halka uu Sergi Roberto laba bilood maqnaanayo.

Lionel Messi iyo Frenkie de Jong ayaa kusoo noqon doona shaxda Barcelona kaddib nasiimo lasiiyey ciyaartii Champions League ee Dynamo Kiev, halka Oscar Mingueza la filayo inuu isaguna kusoo bilowdo ciyaartiisii ugu horreysay ee horyaalka LaLiga kaddib bandhiggii fiicnaa ee uu sameeyey kulankii Kiev.

Philippe Coutinho ayaa isaguna rajaynaya inuu kusoo bilowdo ciyaarta, taas oo haddii ay dhacdo kaydka u diri doonta Pedri, balse Sergio Busquets ayaa ku guuleystay inuu kasoo kabto dhaawac kasoo gaadhay jilibka.

Dhinaca Osasuna, waxa ka maqan Chimy Avila, Brandon, David Garcia iyo Adrian Lopez, hase yeeshee waxa kale oo shaki ku jiraa Jonathan Calleri, Aridane Hernandez, Juan Perez iyo Lucas Torro.

Taas ayaa waxay fursad siin doontaa xiddigaha Jon Moncayola, Eric Gallego iyo Nacho Vdal oo kaashan doona Ruben Garcia iyo Ante Budimir.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Barcelona: Ter Stegen; Dest, Mingueza, Lenglet, Alba; De Jong, Pjanic; Coutinho, Messi, Dembele; Griezmann

Osasuna: Herrera; Roncaglia, U Garcia, Navas; Vidal, Moncayola, Oier, Perez, Jony; Budimir, R Garcia

Previous articleFalaqeynta Kulanka Southampton vs Man United, Red Devils oo guul muhiim ah dooneysa
Next articleWararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee ugu danbeeyay, Pepe, Mbappe, Haaland, Fernandinho, Evans

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here