Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Barnsley Vs Chelsea ee FA Cup-ka

Falanqeynta Kulanka Barnsley Vs Chelsea ee FA Cup-ka

0

Barnsley ayaa martigeliyaan Kooxda Chelsea wareega 5aad ee FA Cup Xili Blues ay dib u soo celisay guulaheeda lagu yaqiinay kadib qabashada Macalinka Cusub ee Tuchel.

Kulanka Barnsley Vs Chelsea

Tartanka FA Cupka

Saacada 23:00 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Oakwell Stadium

Barnsley waxaa ka maqnaan doona daafaca dhexe ee reer Finland Aapo Halme, daafaca bidix Ben Williams iyo daafaca Liam Kitching. Taas ka sokow ma jiraan arrimo dhaawac oo la ogyahay, tababare Valerien Ismael waxaa laga filayaa inuu heysto koox buuxda oo taam ah.

Dhanka kale, tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaan awoodi doonin inuu u yeero adeega rugcadaaga reer Brazil Thiago Silva, halka shaki uu ka jiro helitaanka xiddigaha reer Jarmal Kai Havertz iyo Timo Werner iyo sidoo kale weeraryahanka Christian Pulisic.

Dhacdooyinka dhexmaray labada Kooxood

Laba kulan oo fool ka fool ah oo ay wada ciyaareen labada koox, Chelsea ayaa badisay midna waa laga badiyay.

Labadan naadi ayaa ugu dambeysay inay is wajahaan sanadkii hore wareega 3-aad ee EFL Cup, iyadoo Chelsea ay 6-0 ku xasuuqday Barnsley. Seddexleey uu dhaliyay dhaliyaha reer Jarmal Kai Havertz iyo goolal ay dhaliyeen weeraryahan Tammy Abraham, ciyaaryahanka khadka dhexe Ross Barkley, oo hada amaah ugu jooga Aston Villa, iyo halyeeyga reer France Olivier Giroud ayaa kulankan u xaqiijiyay Chelsea guusha.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here