Kooxda Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena ku soo dhaweeneysa kooxda reer France Paris Saint-Germain Lugta hore Wareega 8 dhamaadka Champions league
Bayern Munich vs Paris Saint-Germain
Tartanka UEFA Champions League
Saacada 22:00 pm Waqtiga somaliya
Garoonka Allianz Arena
Bayern Munich
Douglas Costa, Corentin Tolisso, iyo Robert Lewandowski ayaa dhaawacan waqtigaan waana laga saaray ciyaartaan. Tanguy Nianzou ayaa isna dhaawac qaba waxaana laga yaabaa inuusan ciyaarin kulankaan.
Dhaawacyada: Douglas Costa, Corentin Tolisso, Robert Lewandowski
Shaki: Tanguy Nianzou
Paris Saint-Germain
Marco Verratti iyo Alessandro Florenzi ayaa laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ waana laga saaray kulankaan. Iyadoo Juan Bernat iyo Mauro Icardi ay sidoo kale dhaawac yihiin, Paris Saint-Germain waxay u baahan doontaa inay si qoto dheer uga dhex muuqato kooxdooda kulankaan.
Dhaawac: Marco Verratti, Alessandro Florenzi, Juan Bernat
Shaki: Mauro Icardi, Danilo Pereira
Xaqiiqooyinka Labada Kooxood
Bayern Munich ayaa rikoor fiican ka heysata kooxda Paris Saint-Germain waxaana ay badiyeen afar kulan wadar ahaan lix kulan oo ay wada ciyaareen labada koox.
Paris Saint-Germain ayaa laba guul ka gaadhay Bayern Munich waxayna sameyn kartaaa saameyn xoogan kulankan.
Kulankii hore ee labadan koox ayaa ka dhacay finalka UEFA Champions League sanadkii hore wuxuuna ku dhamaaday 1-0 oo ay guusha ku raacday Bayern Munich.
Kingsley Coman ayaa dhaliyay goolka guusha maalintaas wuxuuna doonayaa inuu saameyn la mid ah ku yeesho kulankaan.
Shaxda Macquulka ee Kulanka
Bayern Munich (4-2-3-1): Manuel Neuer; Alphonso Davies, David Alaba, Niklas Sule, Benjamin Pavard; Joshua Kimmich, Leon Goretzka; Thomas Muller, Leroy Sane, Kingsley Coman; Serge Gnabry
Paris Saint-Germain (4-2-3-1): Keylor Navas; Layvin Kurzawa, Presnel Kimpembe, Marquinhos, Thilo Kehrer; Idrissa Gueye, Ander Herrera; Kylian Mbappe, Neymar, Angel Di Maria; Moise Kean