Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Burnley Vs Manchester City ee Horyaalka Premier League Dalka Ingariiska

Falanqeynta Kulanka Burnley Vs Manchester City ee Horyaalka Premier League Dalka Ingariiska

0

Kooxda Burnley ayaa garoonkeeda Turf Moor ku soo dhaweeneysa kooxda Manchester City oo heysa Hogaanka Horyaalka kuwaasi oo ah kuwa aanan la celin karin marka la eego kulmadii ugu danbeeyay.

Kulanka Burnley Vs Manchester City

Tartanka premier League

Saacada 21:00

Garoonka Turf Moor

Labada xidig ee Burnley Chris Wood iyo Robbie Brady waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray Achilles dhamaadkii usbuuca kuwasi oo la qiimeyn doonaa.

Charlie Taylor, Josh Brownhill iyo Ashley Barnes dhamaantood waxay wajahayaan baaritaano dhanka jirdhiska ah si loo arko hadii ay sameyn karaan soo laabashadooda.

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaan weli la heli karin ka dib baaritaan coronavirus oo lagu sameeyay, waxaana uu todobaadyo u jiraa inuu ciyaaro.

Kevin de Bruyne iyo Nathan Ake ayaa weli ka mid ah ciyaartoyda kale ee City ka maqan.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada _Kooxood

Burnley ayaa badisay kaliya hal jeer 26-dii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, lix barbaro ayay gashay 19na waa laga badiyay.

Manchester City ayaa todobo kulan oo isku xigta badisay kulankaan, iyadoo dhalisay 28 gool midna laga dhaliyay.

Guushii ugu dambeysay ee Clarets ay ka gaarto City waxa ay aheyd 1-0 gurigooda bishii Maarso 2015.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here