Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Chelsea Vs Burnley ee Horyaalka Premier League

Falanqeynta Kulanka Chelsea Vs Burnley ee Horyaalka Premier League

0

Chelsea ayaa soo dhaweeneysa Kooxda Burnley kulan ka tirsan Horyaalka ingariiska xili uu kulankiisa labaad hogaaminayo macalinka cusub ee Kooxda.

Kulanka Chelsea Vs Burnley

Tartanka Premier League

Saacada 15:00 Waqtiga Somaliya

Garoonka Stamford Bridge

Chelsea ayaa isha ku heysa taam ahaanshaha N’Golo Kante, kaasoo kusoo laabtay tababarka ka dib afar isbuuc oo uu dhaawac ku maqnaa.

Tababaraha cusub ee kooxda Thomas Tuchel ayaan soo warin wax dhaawac cusub ah.

Labada ciyaaryahan ee Burnley Charlie Taylor iyo Ashley Barnes ayaa ku soo laabtay tababarka laakiin tababare Sean Dyche ayaa shaki ka qabay ku lug lahaanshahooda Axadii.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Josh Brownhill ayaa la bedelay kulankii Aston Villa, waxaana shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada kooxood

  • Guushii kali  ee gaartay Burnley 13 kullan Premier League waxay ahayd 3-2 oo lagu qabtay Stamford Bridge bishii Ogosto 2017 (D3, L9).
  • Chelsea ayaa dhalisay 16 gool lixdii kulan ee ugu dambeysay.
  • Chelsea ayaa badisay kaliya labo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, labo barbaro iyo shan guul darro.
  • Burnley ayaa raadineysa inay badiso afar kulan oo isku xigta tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo bishii Janaayo 2019.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here