Home Horyaalka France Falanqeynta Kulanka Chelsea vs Krasnodar, Blues oo xaqiijisay booskeeda

Falanqeynta Kulanka Chelsea vs Krasnodar, Blues oo xaqiijisay booskeeda

0

Kooxda Chelsea ayaa dhigeeda Krasnodar kusoo dhawaynaysa gegida Stamford Bridge iyagoo waxkasta xaqiiqsaday sida inay u gudbayaan wareega 16-ka ee Champion League iyo waliba inay kaalinta 1-aad kaga baxayaan Group-kooda.

Dhinaca kale kooxda dalka Ruushka ka socota ayaa kulankan imanaysa iyadoo haysata wixii ay doonaysay oo ah inay usoo baxday tartanka UEFA Europe League maadaama ay 4 dhibcood ka qaateen Rennes.

Xogta Kulankan Ee Labada Kooxood

Chelsea ayaa haysatay saf buuxa kahor kulankii ay Leeds United kaga adkaatay Premier League balse waxa ciyaartaas dhaawac uga baxay Hakim Ziyech oo kulankan seegaya walow aan la filayn inuu kusoo bilaaban lahaa xataa haddii uu taam yahay.

Callum Hudson-Odoi ayaa kusoo bilaaban lahaa garabka weerarka balse qudhiisa ayaa dhaawacmay waxaana ay u badantahay in Christian Pulisic uu kulankan kusoo bilaaban doono.

Frank Lampard ayaa la filayaa inuu isbedelo xoogan samayn doono oo uu shaxdiisa kusoo bilaabi doono kabtan Azpilicueta, Antonio Rudiger, Kepa Arrizabalaga iyo Billy Gilmour.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Christensen, Emerson; Jorginho, Kovacic, Gilmour; Havertz, Abraham, Pulisic

FC Krasnodar: Safonov; Smolnikov, Martynovich, Sorokin, Ramirez; Wanderson, Kambolov, Vilhena, Claesson; Berg, Ari

XOGTA KULANKA

Tartanka: Champions League

Garoonka; Stamford Bridge

Wakhtiga; 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here