Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Chelsea Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier League

Falanqeynta Kulanka Chelsea Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier League

0

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhaweeneysa kooxda Newcastle United kulan ka tirsan Horyaalka Premier League iyadoo Blues ay niyada ku heysa booska 4-aad si ay Liverpool ugala baxdo.

Chelsea Vs Newcastle United

Tartanka Premier League

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Stamford Bridge

Timo Werner ayaa seegay kulankii Chelsea ee Barnsley laakiin waa inuu taam ahaado, halka Andreas Christensen laga yaabo inuu ciyaaro inkastoo lagu qasbay inuu ka baxo Oakwell madax xanuun dartiis.

Kai Havertz ayaa shaki uu ku jiraa dhaawac yar oo aan la cayimin, halka kulankaan uu dib u soo laabandoono Thiago Silva.

Callum Wilson, Fabian Schar iyo Javier Manquillo ayaa dhamaantood maqnaan kara ilaa sideed isbuuc ka dib markii ay ku dhaawacmeen kulankii Newcastle ee Southampton.

Jeff Hendrick ayaa ku maqan ganaax hal kulan ah.

Ciaran Clark ayaa diyaar ah ka dib markii uu seegay kulankii Saints sababtoo ah sababo qoys dartii, halka daafacyada kale ee Jamaal Lascelles iyo Federico Fernandez la qiimeyn doono madaama ay ku dhow yihiin inay ka soo laabtaan dhibaatooyin muruqa ah.

Dhacdooyinka dhexmaray labada Kooxood

Chelsea ayaa badisay 18 ka mid ah 25kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Premier League garoonkeeda kula ciyaartay Newcastle.

Magpies ayaa laga badiyay todobo kulan oo isku xigta oo horyaalka Premier League ah oo ay ku ciyaareen Stamford Bridge, iyagoo dhaliyay seddex gool, waxaana laga dhaliyay 18 gool.

Newcastle ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, taasoo ka duwan labo guul oo ay gaareen 13kii kulan ee ay hore u ciyaareen.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here