Falanqeynta Kulanka Chelsea Vs West Ham United ee Horyaalka Ingariiska Lugtiisa 14-aad

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhaweeneysa West Ham United kulan ka tirsan Horyaalka Ingariiska Lugtiisa 14-aad.

Chelsea oo kulanka marti loo yahay ayaa dooneysa in ay booska Shanaad iska xaadiriso si kumeel gaar ah madama kooxda Manchester City uu kulan u harsanyahay.

Xidigaha Maqan iyo kuwa Ciyaari kara

Garabka Chelsea Hakim Ziyech iyo Callum Hudson-Odoi ayaa ka maqnaa Chelsea kulamadii u danbeeyay.

Mid ka mid ah ama labadaas ciyaartoy ayaa soo laaban kara fiidnimada Isniinta, in kastoo ay u badan tahay inaysan si toos ah ugu soo bilaaban doonin safka hore.

Su’aalo ayaa laga keenay saxiixyadii xagaagan ee Timo Werner iyo Kai Havertz ee toddobaadyadii la soo dhaafay, sidaas darteed isbeddello ayaa laga filan karaa qadka dhexe iyo weerarka.

Dhanka West Ham, Moyes wuxuu si maldahan u sheegay inuu wax yar ka bedeli doono kooxdiisa.

Jarrod Bowen ayaa dhaawac soo gaaray kulankii ugu dambeeyay waxaana laga yaabaa inuu ka mid noqdo kuwa laga soo tagayo, halka daafaca bidix Aaron Cresswell uu isna shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

Dhacdooyinka Labada Koox

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 14kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay gurigooda kula ciyaareen West Ham, inkastoo taasi ay aheyd kulankaan xilli ciyaareedkii hore.

Xaqiiqdii, Hammers ayaa minan iyo martiba kaga badisay Chelsea xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay raadinayaan inay seddex kulan oo isku xigta ka badiyaan kooxda ay xafiiltamaan ee London markii ugu horeysay tan iyo 1974.

Kulanka: Chelsea Vs West Ham United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 23:00 Habeenimo Waqtiga Somaliya

Garoonka: Stamford Bridge

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*