kadib ceyrintii Frank Lampard kooxda Chelsea waxay ciyaareysaa kulan ka tirsan Horyaalka Ingariiska iyagoo gurigooda ku soo dhaweenaya Wolverhampton Wanderers.
Kulanka Chelsea vs Wolverhampton Wanderers
Tartarka Premier League
Saacada 21:00 Waqtiga Somaliya
Garoonka Stamford Bridge
Garsooraha Ciyaarta Andrew Madley (England)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante ayaa la maqnaanaya dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray muruqa bowdada kulankii ugu horreeyay ee Thomas Tuchel uu qabto habeenka Arbacada.
Christian Pulisic ayaa shaki ku jiraa sababo la xiriira dhaawac fudud oo lugta ah oo soo gaaray Axadii.
Saxiixa cusub ee kooxda Wolves Willian Jose ayaa la filayaa inuu seego madama uusan wali helin ogolaansho shaqo.
Daniel Podence ayaa ku dhow inuu soo laabto ka dib dhaawac kubka ah laakiin Raul Jimenez, Jonny iyo Marcal ayaa weli dhaawac ku maqnaan doona muddo dheer.
Dhacdooyinka dhexmaray labada Kooxood
Chelsea ayaan looga badinin garoonkeeda lix kulan oo hore oo Premier League ah oo ay la ciyaareen Wolves, 5 way badisay halna bar-baro.
Wolves ayaa 2-1 kaga badisay kulankii Molineux bishii hore, iyadoo Pedro Neto uu dhaliyay waqtigii dhimashada.
Chelsea ayaa badisay kaliya labo ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, hal barbaro iyo shan guul darro.