Falanqeynta Kulanka Crystal Palace Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League

Chelsea ayaa u safreysa koonfurta si ay ula ciyaarto Crystal Palace kulanka London Derby, oo ka dhacaya Selhurst Park.

Chelsea ayaa hal lug la gashay semi-finalka Champions League ka dib guushoodii 2-0 ee ay ka soo gaareen FC Porto.

Crystal Palace VChelsea

Tartanka Premier league

Saacada 19:30 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Selhurst Park

Crystal Palace

Crystal Palace ayaa ka walwal qabin dhaawac cusub, ciyaartoy badan oo ay ka mid yihiin Nathaniel Clyne, Mamadou Sakho, James Tomkins iyo James McArthur ayaa dhaawac ku maqan.

Tyrick Mitchell ayaa safan kara kulankan ka dib markii uu kursiga keydka ka soo muuqday kulankii ugu dambeeyay. Cheikhou Kouyate waa inuu helaa kalsoonida daafaca mar kale isagoo garab taagan xiddigii hore ee Chelsea Gary Cahill .

Dhaawacyada: Nathaniel Clyne, Mamadou Sakho, James Tomkins iyo James McArthur

Shaki: James McCarthy

Chelsea

Thiago Silva ayaa weli ah ciyaaryahanka kaliya ee ka maqan Chelsea madaama uu ganaax ku maqnaan doono ilaa 20ka Abriil casaankii uu qaatay kulankii Baggies. Dhamaan kooxda Chelsea ayaa taam u ah inay la ciyaaraan Crystal Palace.

Ganaax: Thiago Silva

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood 

Palace ayaa kaliya badisay 12 jeer oo ay ka horyimaadeen Chelsea halka Blues ay heysato guul 30 jeer ah. Kooxda ku xifaaltameysa London ayaa ku qasbanaatay inay dhibic hesho 15 kulan oo ay ciyaartay.

Chelsea ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee ay la ciyaartay Crystal Palace. Waxay sidoo kale kujiraan rajo wanaagsan oo ah sideed guul 10 kulan oo banaanka ah oo ay la ciyaaraan isla koox ka soo horjeedda.

Shaxda Macquulka ee Kulankan 

Crystal Palace (4-4-2): Vicente Guaita; Joel Ward, Gary Cahill, Cheikhou Kouyate, Patrick van Aanholt; Jordan Ayew, Luka Milivojevic, Jairo Riedewald, Eberechi Eze; Wilfried Zaha, Christian Benteke.

Chelsea (3-4-2-1): Edouard Mendy; Cesar Azpilicueta, Andreas Christensen, Antonio Rudiger; Callum Hudson-Odoi, N’Golo Kante , Mateo Kovacic, Marcos Alonso; Hakim Ziyech, Mason Mount; Olivier Giroud.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*