Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta kulanka Crystal Palace Vs Liverpool, Reds oo hogaanka sii dheereen karta

Falanqeynta kulanka Crystal Palace Vs Liverpool, Reds oo hogaanka sii dheereen karta

0

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace kulan ka dhici doona garoonka Selhurst Park kana tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ka baxaan guul la’aanta kulamada martida ah ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaan wax guul ah gaadhin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaareen meel ka baxsan garoonkeeda iyaga oo laga badiyay hal kulan 4 kalena bar-baro galay.

Dhanka kale kooxda Crystal Palace ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo bar-baro la galay Tottenham iyo West Ham kulamadii horyaalka premier Leageu.

Dhacdooyinka labada kooxood

Crystal Palace ayaa kaliya hal kulan ilaashatay shabaqeeda 21-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay, guushii 1-0 ee ay ka gaadhay Southampton kulankoodii ugu horeeyay ee 2020/21, 12-ka kulan ee ayna shabaqeeda ilaashan ayaa ah rikoodhkeedii ugu xumaa tan ilaa intii u dhexaysay bishii May iyo November 2017 markaas oo ayna 14 kulan shabaqooda ilaashan.

Tan iyo markii ay ku soo laabteen Premier League sanadkii 2013, Palace ayaan ilaashan shabaqeeda 14-kii kulan ee ay la ciyaartay Liverpool waxaana laga badiyay lixdii kulan ee ugu dambeysay waliba qaab xidhiidh ah.

Kadib markii uu gool dhaliyay 8 ka mid ah 9 kulan oo marti ah xilli ciyaareedkii hore laakiin dhamaan 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu Roberto Firmino dhaliyay ayaa ka yimid Anfield.

Liverpool ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay garoonka Selhurst Park – kaliya Norwich City oo 7 kulan ku badisay garoonkaas ayaa ka badan kooxda Liverpool horyaalka premier League.

Kulanka: Crystal Palace Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30

Garoonka: Selhurst Park

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here