Kooxda Arsenal ayaa soo dhaweeneysa Manchester United kulan ka tirsan Horyaalka ingariiska waana kulanka ugu adag todobaadkan.
Gunners ayaana la ciyaareysa Man United iyadoo ku jirta waqtigeeda ugu feecnaa inkastoo Man United taako loo dhigay kulankeeda ugu danbeeyay taasi oo keentay in hogaanka lagala wareego.
Kulanka Arsenal Vs Manchester United
Tartanka premier League
Saacada 20:30 Waqtiga Somaliya
Garoonka Emirates Stadium
Saxiixa cusub Martin Odegaard ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ugu horeysay ee Arsenal laakiin ma cada in Pierre-Emerick Aubameyang la heli doono inkastoo uu ka soo laabtay waqtigiisii uu la qaatay hooyadiis oo xanuunsan.
Thomas Partey iyo Emile Smith Rowe waa la qiimeyn doonaa laakiin Kieran Tierney ayaa la filayaa in markale la helo.
Xiddiga Manchester United Eric Bailly ayaa dhaawac fudud ku seegay guuldaradii Arbacadii ka soo gaadhay Sheffield United laakiin waxa uu mar kale taam yahay.
Victor Lindelof waa inuu taam u noqdaa inuu soo laabto inkastoo dhibaato dhabarka ah uu muddo dheer ku maqnaa.
Dhacdooyinka Dhexmaray labada kooxood
Arsenal ayaan laga badinin afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, seddex waa ay badisay, hal barbaro ayay gashay seddexna shabaqooda wey ilaashatay.
United ayaa laga yaabaa inay lumiso seddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay marti u aheyd Gunners markii ugu horeysay tan iyo 1991.
Arsenal ayaa badisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League, halka kulanka kale ay barbaro galeen.
United ayaa barbareysay rikoorkeeda kooxeed ee 17 kulan oo horyaalka ah oo ay marti ahaayeen guuldarro la’aan, 13 guul iyo afar barbaro.