Falanqeynta Kulanka Darbiga ee Tottenham Vs Manchester United ee Horyaalka Premier League

Tottenham ayaa martigelin doonta Manchester United kulan ka tirsan Premier League iyadoo kooxda Jose Mourinho ay dooneyso inay sii wadato hankooda afarta sarre, Red Devils ayaa dhankeeda Diirada saareyso guusha kulankan inkastoo aysan rajo sidaasi ka laheen hanashada horyaalka.

Tottenham Hotspur Vs Manchester United

Tartanka Premier League

Saacada 18:30 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Tottenham Hotspur Stadium

Tottenham

Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Ben Davies iyo Matt Doherty ay yihiin ciyaartoyda kaliya ee aan diyaar u aheyn kulanka sababo la xiriira dhaawacyo.

Marka laga reebo labadaas, Spurs waxay lahaan doontaa koox buuxda oo kulanka Ciyaareysa.

Dhaawac: Ben Davies, Matt Doherty

Manchester United

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka wal-walsan Luke Shaw iyo Marcus Rashford . Si kastaba ha noqotee, labadan xiddig ayaa loo badinayaa inay ku jiraan kooxda kulanka axada.

Anthony Martial iyo Eric Bailly ayaan la heli karin dhaawacyo dartiis.

Dhaawac: Anthony Martial, Eric Bailly

Shaki: Luke Shaw, Marcus Rashford

Xaqiiqooyinka Labad Kooxood

Tottenham ayaa raadineysa laba jeer oo horyaalka ka badiso marka loo eego Manchester United markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1989-90.

Spurs ayaa badisay kaliya lix ka mid ah 28 kulan oo Premier League ah oo ay garoonkeeda kula ciyaartay United – laakiin seddex ka mid ah guulahaas ayaa yimid shantii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Guushii kali aheyd ee Manchester United sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqatay Spurs waxay ka dhacday Wembley bishii Janaayo 2019 (D4, L3).

Shaxda Macquulka ee Kulanka

Tottenham (4-2-3-1): Hugo Lloris; Sergio Reguilion, Toby Alderweireld, Davinson Sanchez, Serge Aurier; Pierre-Emile Hojbjerg, Tanguy Ndombele, Heung-min Son, Lucas Moura, Gareth Bale; Harry Kane

Manchester United (4-2-3-1): Dean Hender; Luke Shaw, Harry Maguire, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka; Fred, Paul Pogba; Marcus Rashford, Bruno Fernandes, Mason Greenwood; Edinson Cavani

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*