Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Darbiga: Juventus Vs Inter Milan ee Koobka Coppa Italia

Falanqeynta Kulanka Darbiga: Juventus Vs Inter Milan ee Koobka Coppa Italia

0

Juventus ayaa martigelin doonta Inter Milan lugta labaad ee semi-finalka Coppa Italia , iyadoo labada kooxba ay isha ku hayaan inay u gudbaan finalka tartanka.

Juventus ayaa 2-1 ku garaacday Inter lugtii hore ee is araga, waxaana u dhaliyay Cristiano Ronaldo .

Kulanka Juventus Vs Inter Milan

Tartanka Copa italia

Saacada 22:45 Waqtiga Somaliya

Garoonka  Allianz Stadium

Juventus Andrea Pirlo ayaa heli kara Paulo Dybala, maadaama xiddiga reer Argentina uu seegay seddex isbuuc oo uu ku maqnaa dhaawac jilibka ah oo soo gaaray bilowgii 2021.

Weeraryahanka Paulo Dybala ayaa laga yaabaa inuu kursiga keydka fadhisto kulankan , laakiin waxaa laga yaabaa inuusan kasoo muuqan doonin Juventus. Bianconeri ayaa sidoo kale dib u soo dhaweyn doonta Rodrigo Bentancur oo ganaax ku maqnaa. Waxaa laga yaabaa inuu u tartamo booska koowaad ee kulanka Inter Milan.

Inter Milan Antonio Conte ayaa heysta Koox uu soo xusho oo taam ah kulanka Juventus, madaama Inter Milan aysan heysan dhaawacyo cusub ama ganaax.

Dhacdooyinka dhexmaray labada Kooxood

Juventus ayaa heysata guulaha taariikhda dhow labada koox, madaama Inter Milan kaliya hal guul ay ka gaartay Bianconeri shantii kulan ee ugu danbeysay. Juventus ayaa badisay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay.

Si kastaba ha ahaatee, guulaha ayaa la kala qeybsaday xilli ciyaareedkan, maadaama labada dhinac ay ku guuleysteen inay guul ka gaaraan midka kale.

Wiilasha Antonio Conte ayaa 2-0 kaga badiyay Juventus Horyaalka Serie A horaantii xilli ciyaareedkaan. Dhanka kale, Juventus ayaa qaab ciyaareed fiican ka heshay Nerazzurri lugtii hore ee ciyaarta kooban loo balansanyahay.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here