Falanqeynta Kulanka Darbiga: Manchester United Vs Arsenal ee Horyaalka Premier League, Shaxda Labada Koox ee Kulankan

Kadib guushii weyneyd ee ay ka gaareen AS Roma koobka Europa League , Manchester United ayaa kusoo dhaweyn doonta Liverpool garoonka Old Trafford kulan ka tirsan Premier League.

Kooxda martida ah ayaa ku guuldareysatay inay dhadhamiso guul seddexdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan Lakin Kulankan ayay diirada saareysa.

Manchester Vs Liverpool

Tartanka Premier league

Saacada 18:30 Pm Waqtiga Somaliya 

Garoonka Old Trafford

Manchester United: Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial iyo daafaca dambeedka dhexe Phil Jones ayaa weli garoomada ka maqnaan doona madaama ay la tacaalayaan dhaawacyada jilibka. Marka laga reebo taas, Red Devils waxay heysataa koox buuxda oo taam ah.

Ka dib qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ee kulankii ay 6-2 kaga badiyeen Roma, Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga yaabaa inuu doorto inuu adeegsado saf la mid ah isbuucaan. Waxaa laga yaabaa inuu doorto inuu nasiyo qaar ka mid ah ciyaartoyda lugta labaad ee Europa League Khamiista. Si kastaba ha noqotee, waxay u badan tahay in Dean Henderson uu ku soo laaban doono goolka isagoo bedelaya David De Gea.

Dhaawac : Anthony Martial, Phil Jones.

Liverpool: Liverpool ayaa soo martay xilli dhaawac uu hareeyay welina waxaa ka maqnaan doona ciyaartoy badan oo muhiim ah. Virgil van Dijk, Jordan Henderson, Joe Gomez, Joel Matip, Curtis Jones iyo Divock Origi ayaa weli dhaawac ku seegaya kulankaan.

Daafaca dhexe Nat Phillips ayaa ku seegay Liverpool labadii kulan ee ugu dambeysay dhibaato yar oo muruqa ah, waxaana shaki uu ku jiraa kulanka.

Dhaawacyada : Virgil van Dijk, Jordan Henderson, Joe Gomez, Joel Matip, Curtis Jones, Divock Origi

Shaki : Nathaniel Phillips

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Manchester United XI (4-2-3-1) : Dean Henderson; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Scott McTominay, Fred; Marcus Rashford, Paul Pogba, Bruno Fernandes, Edinson Cavani

Liverpool XI (4-3-3) : Alisson Becker; Trent Alexander-Arnold, Fabinho, Ozan Kabak, Andrew Robertson; James Milner, Georginio Wijnaldum, Thiago Alcantara; Mohamed Salah, Diogo Jota, Sadio Mane.

Xaqiiqooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Manchester United ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo ah kooxdii ugu fiicneyd taariikhda kulankaan.

Red Devils ayaa heysata 89 guul 234 kulan oo ay la ciyaareen Liverpool. Kooxda ka dhisan Merseyside-ka ayaa guuleesatay 68-jeer halka barbaro galeen 77 jeer oo kala duwan.

Kulankoodii ugu dambeeyay wuxuu ka dhacay FA Cup bishii Janaayo, markii Manchester United ay gaartay guul 3-2 ah.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*