Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Derbiga ee Juventus Vs Roma Horyaalka Serie A Taliyaaniga

Falanqeynta Kulanka Derbiga ee Juventus Vs Roma Horyaalka Serie A Taliyaaniga

0

Kooxda Juventus ayaa Garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Roma kulan ka tirsa Horyaalka Serie A waana kulan Derbi ah madama labada kooxood koox walbo ay raadineyso booska labaad ee Horyaalka Roma ayaa leh 40 dhibcood halka Juve ay leedahay 39 dhibcood taas oo xiiso u yeeleyso kulanka.

Kulanka Juventus Vs Roma

Tartanka Serie A

Saacada 20:00 Waqtiga Somaliya

Garoonka Allianz Stadium

Rodrigo Bentancur ayaa ganaax ku maqan waxaana booskiisa buuxin doona Adrien Rabiot oo khadka dhexe ka ciyaara.

Lorenzo Pellegrini ayaa ganaax ku maqnaan doona waxaana lagu badali doonaa Pedro, halka Chris Smalling uu garoomada uga maqnaa isbuucyo dhaawac ah awgood.

Dhacdooyinka Dhexmaray labada Kooxood

Juventus ayaa la kulmin in 36 ka mid ah 38 kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda (Serie A).

Roma ayaa laga badiyay kulamada Serie A-ga ee ka badan Juventus marka loo fiiriyo inta ay ka badisay koox kale. Bianconeri ayaa badisay laba jeer inta kulan ee Serie A ay la ciyaartay Roma marka loo fiiriyo guuldaradoodii.

Ka dib guuldaradii 1-3 bishii Ogosto 2020 ee Allianz Stadium, Juventus ayaa laga yaabaa inay lumiso labo kulan oo isku xigta oo ay gurigeeda kula ciyaareyso AS Roma markii ugu horeysay abid Serie A.

 

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here