Falanqeynta Kulanka Derbiga: Tottenham Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League

Kooxda Chelsea iyo Macalinkooda Cusub ayaa booqanaya kooxda Tottenham kulan ka tirsan Horyaalka Ingariiska waana tijaabada ugu horeysa ee Macaclinka Cusub.

Kulanka Tottenham Hotspur vs Chelsea

Tarntanka premier League

Saacada 23:-00 Waqtiga Somaliya

Garoonka Tottenham Hotspur Stadium

Tanguy Ndombele ayaa diyaar u ah Tottenham inkasta oo dhaawac looga saaray Brighton.

Sergio Reguilon, Giovani Lo Celso, Dele Alli iyo Harry Kane ayaa weli maqan, maqnaanshaha ayaa la macno ah in Carlos Vinicius uu ku soo bilaaban doono kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Premier League.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea Hakim Ziyech ayaa ku soo laabtay kursiga keydka ka dib markii la nasasiiyay kulankii Burnley ee axada.

Kurt Zouma iyo Kai Havertz shaki ayaa ku jira waana la qiimeyn doonaa.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Chelsea ayaan laga badinin afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, iyagoo shabaqa ilaashaday seddex ka mid ah.

Spurs ayaa laga yaabaa inay lumiso kulamada is xig-xiga ee ay garoonkeeda kula ciyaareyso Chelsea markii ugu horeysay tan iyo seddex guul darro oo xiriir ah intii u dhaxeysay 2004 iyo 2005, markaasoo tababaraha haatan ee Tottenham Jose Mourinho uu mas’uul ka ahaa Blues.

Spurs ayaa laga yaabaa inay lumiso seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay tan iyo bishii November 2012.

Chelsea ayaa u tartameysa inay diiwaan galiso guulo xiriir ah oo Premier League ah markii labaad xilli ciyaareedkan.

 

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*