Falanqeynta Kulanka Everton Vs Manchester City ee Horyaalka Premier League

Kooxda Everton ayaa garoonkeeda Goodison Park ku marti galin doonta kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Man City kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Everton Vs Manchester City

Tartanka Premier League

Saacada 23:15 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Goodison Park

Gooldhaliyaha ugu sareeya Everton Dominic Calvert-Lewin ayaa seegi doona kulanka labaad dhaawac muruqa ah oo ka soo gaadhay FA Cup todobaadkii hore laakiin waxaa la filayaa inuu soo laabto kulanka Liverpool ee sabtida.

James Rodriguez iyo Jordan Pickford ayaa diyaar ah halka Allan laga yaabo inuu ciyaaro markii ugu horeysay tan iyo 16 December.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Ilkay Gundogan ayaa la bedelay intii lagu jiray guushii ay ka gaareen Tottenham iyadoo la sheegayo inuu qabo dhibaato gumaarka ah waana la qiimeyn doonaa.

Dhacdooyinka dhexmaray labada Kooxood

Everton ayaa laga badiyay shan kulan oo isku xigta oo ay la ciyaartay Manchester City, waana guuldarrooyinkoodii ugu dheeraa ee isku xigxiga muddo 121 sano ah kulankaan.

City ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay booqdeen Goodison Park wadar ahaan 8-2.

Guushii ugu dambeysay ee Everton, gurigeeda bishii Janaayo 2017, waa mid ka mid ah labo guul oo kaliya 16kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan.

Manchester City ayaa noqon karta kooxdii ugu horeysay taariikhda sare ee guuleysata 10-ka kulan ee furitaanka sanad ciyaareed.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*