Falanqeynta Kulanka Everton vs Manchester United ee Koobka EFL Cup

Laba ka mid ah kooxaha qaab ciyaareedka feecan ku jira horyaalka Premier League ayaa ku dagaalamaya EFL Cup  iyado oo semi-finalka tagidoonto Everton ama Manchester United cida ku badi garoonka Goodison Park.

Kooxda Toffees ayaa kulanka soo galaysa iyada oo gaartay 3 guulood oo xiriir ah, halka Man United ay badisay 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka ciyaartay garoonkeeda.

Xidigaha ka dhaawacan labada Kooxdood

Everton Lucas Digne dhaawac, Fabian Delph dhaawac, Jean-Philippe Gbamin dhaawac, Allan dhaawac, James Rodríguez dhaawac ,André Gomes dhaawac shaki ah.

Manchester United Marcos Rojo Dhaawac ,Scott McTominay dhaawac ,Aaron Wan-Bissaka Dhaawac, Luke Shaw Shakir ayaa jira.

Dhacdooyinka labada Kooxood

Kulankii ugu dambeeyay ee League Cup ee dhexmara Everton iyo Manchester United wuxuu soo laabtay November 1993 wareegii afaraad, Red Devils ayaa 2-0 ku badisay Goodison Park iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Ryan Giggs iyo Mark Hughes.

Manchester United ayaa isha ku heysa inay badiso kulamada isku xigta ee ay martida ku tahay Everton tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo bishii September 2007 (seddex kulan oo isku xigta), halka Red Devils kaliya ay garaacday Everton laba jeer oo ay marti ku ahaayeen hal xilli ciyaareed hal mar oo hore, iyagoo sidaas sameeyay 1993 / 94 (mar horyaalka, hal jeer League Cup).

Everton ayaa gaartay quarter-finalka League Cup xilli ciyaareedyo xiriir ah markii ugu horreysay tan iyo 1986/87 iyo 1987/88, iyadoo Toffees rigoorooyin looga badiyay ka dib barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Leicester City marxaladdan xilli ciyaareedkii hore.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa wada badiyay dhamaan lixdii kulan ee uu ciyaaray kulamada banaanka League Cup, laba guul ayuu la soo gaadhay Cardiff City halka uu afar kale la soo guulaystay Manchester United, halka saddex ka mid ah afartii kulan ee Man Utd ay la ciyaareen kooxaha Premier League ee Chelsea – Man City iyo Brighton.

Kulanka: Everton vs Manchester United

Tartanka: EFL Cup

Wakhtiga: 23:00 Habeenimo Waqtiga Somaliya

Garoonka: Goodison Park

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*