Home Wararka Ciyaaraha Maanta Falanqeynta Kulanka FC Porto Vs Chelsea ee UEFA Champions League

Falanqeynta Kulanka FC Porto Vs Chelsea ee UEFA Champions League

0

Kooxda FC Port ayaa garoonkeeda  R. Sanchez Pizjuan ku soo dhaweeneysa kooxda reer England ee Chelsea lugta hore Wareega 8 dhamaadka Champions league.

FC Porto Vs Chelsea

Tartanka UEFA Champions League

Saacada 22:00 pm Waqtiga somaliya

Garoonka R. Sanchez Pizjuan

Porto

Porto waxaa ka maqnaan doona goolhayaha da’da yar ee reer Senegal Mouhamed Mbaye, halka shaki uu ka jiro helitaanka daafaca reer Spain Ivan Marcano. Xiddiga reer Iran Mehdi Taremi iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal Sergio Oliveira ayaa labadoodaba ganaax ku maqan.

Dhaawac: Mouhamed Mbaye

Shaki: Ivan Marcano

Ganaax: Mehdi Taremi, Sergio Oliveira

Chelsea

Dhanka kale, tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaan awoodi doonin inuu u yeero adeega khadka dhexe reer France N’Golo Kante, kaasoo dhaawac ku jira. Waxaa jira shaki ku saabsan helitaanka garabka Christian Pulisic iyo weeraryahanka Tammy Abraham.

Dhaawac: N’Golo Kante

Shaki: Christian Pulisic, Tammy Abraham

Xaqiiqooyinka labada Koox

Sideed kulan oo fool-ka-fool ah oo ay labada dhinac wada ciyaareen, Chelsea Waxay badiyeen shan kulan, labo waa laga badiyay halna bar baro.

Labadan naadi ayaa kulankooda ugu danbeeyay ciyaaray sanadkii 2015 wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League. Chelsea ayaa 2-0 ku garaacday Porto, waxaana gool iska dhaliyay daafaca reer Spain Ivan Marcano iyo gool uu dhaliyay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil Willian, oo haatan ku sugan Arsenal.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Porto (4-4-2): Agustin Marchesin, Wilson Manafa, Chancel Mbemba, Pepe, Zaidu Sanusi, Jesus Corona, Marko Grujic, Mateus Uribe, Otavio, Moussa Marega, Toni Martinez.

Chelsea (3-4-2-1): Edouard Mendy, Cesar Azpilicueta, Thiago Silva, Kurt Zouma, Reece James, Jorginho, Mateo Kovacic, Marcos Alonso, Mason Mount, Kai Havertz, Timo Werner.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here