Falanqeynta Kulanka Fulham vs Liverpool, Reds oo marti ku ah Craven Cottage

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Fulham kulan ka tirsan todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Craven Cottage.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku hayain ay ka baxaan rikoodhka xun ee kulamada martida ee ugu dambeeyay kadib markii ay kulankii hore bar-baro ku dhaafi waayeen Brighton.

Dhanka kale kooxda Fulham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Man City kulankii hore waliba doonaya in ay ku soo laabtaan guulaha.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ee kooxaha Fulham iyo Liverpool ku dhexmaray garoonka Craven Cottage ayaan ku dhamaan bar-baro iyada oo Fulham badisay 5 kulan halka Reds Badisay 9 kulan.

Xiddiga kooxda Fulham ee Andre-Frank Zambo Anguissa ayaa dhamaystiray Gabiska ugu badan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo sameeyay 38 Gambis.

Liverpool ayaa guuleysatay 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxaha u soo dalacay horyaalka waana rikoorkii labaad ee ugu dheeraa ka dib chelsea oo 27 kulan badisay intii u dhexaysay October 2002 ilaa November 2006.

Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii 2017/18, Mohamed Salah wuxuu dhaliyay 82 gool 118 kulan oo uu saftay Premier League waana in ka badan xiddig kasta laakiin kaliya waxa uu dhaliyay hal gool 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu la ciyaaray kooxaha reer London waxana uu ka dhaliyay West Ham bishii January.

Kulanka: Fulham Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga:7:30

Garoonka: Craven Cottage

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*