Falanqeynta Kulanka Granada Vs Atletico Madrid ee Horyaalka La Liga

Kooxda Atletico Madrid ayaa booqasho ugu tageysa dhigeeda Granada kulan ka tirsan Horyaalka Spain ee La Liga iyadoo kooxda Macalin diego simeone taako loo dhigay kulankeeda ugu danbeeyay.

Kulanka Granada vs Atletico Madrid

Tartanka La Liga

Saacada 16:00 pm Galabnimo waqtiga somaliya

Garoonka Estadio Nuevo Los Carmenes

Tababaraha Granada Diego Martinez ayaan awoodi doonin inuu u yeero adeega ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Venezuela Yangel Herrera, daafaca dambeedka midig Quini, ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Maxime Gonalons iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Luis Milla, kuwaasoo dhamaantood maqan. Waxaa jira shaki ku saabsan helitaanka khadka dhexe ee Domingos Quina iyo xiddiga reer Cameroon Yan Eteki.

Dhaawac: Yangel Herrera, Quini, Maxime Gonalons, Luis Milla

Dhanka kale, Atletico Madrid waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Thomas Lemar, xiddiga heerka caalami ee dalka Mexico Hector Herrera, dhaliyaha dhalinta yar Joao Felix, daafaca reer Spain Mario Hermoso iyo weeraryahanka Moussa Dembele, kuwaasoo dhamaantood tijaabo caafimaad oo dhanka COVID-19 la marsiiyay. Daafaca midig ee reer England Kieran Trippier ayaa ganaax ku seegaya ciyaarta.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

15 jeer oo ay kulmeen labada dhinac, Atletico Madrid ayaa badisay 12 kulan seddexna barbaro ayey galeen.

Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay iska hor yimid sanadkii hore horyaalka La Liga, iyadoo Atletico Madrid ay 6-1 ku garaacday Granada. Labo gool oo uu dhaliyay xiddigii hore ee Barcelona Luis Suarez iyo goolal ay kala dhaliyeen weeraryahan Diego Costa, weeraryahanka reer Argentina Angel Correa, ciyaaryahanka reer Portugal Joao Felix iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Marcos Llorente ayaa guusha u xaqiijisay Atletico Madrid.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*