Levante ayaa ayaa kula ciyaaridoontaa garoonkeeda Ciutat de Valencia kooxda heysa hogaanka horyaalka ee Atletico Madrid kulan ka tirsan La Liga Dalka Spain.
Levante Vs Atletico Madrid
Tartanka La Liga
Saacada 21:00 pm waqtiga Somaliya
Garoonka Estadio Ciudad de Valencia
Tababaraha Levante Paco Lopez ayaan awoodi doonin inuu u yeero adeega xiddiga reer Spain Jose Campana iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Montenegrin Nikola Vukcevic, halka shaki uu ka jiro helitaanka khadka dhexe Gonzalo Melero.
Atletico Madrid waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Mexico Hector Herrera, xiddiga reer France Thomas Lemar, weeraryahanka Moussa Dembele iyo weeraryahanka reer Portugal Joao Felix, kuwaas oo dhamaantood tijaabo caafimaad u maray COVID-19. Waxaa jira shaki ku saabsan helitaanka daafaca dhexe ee reer Uruguay Jose Gimenez, halka daafaca midig Kieran Trippier uu ganaax ku maqan yahay.
Dhacdooyinka Dhexmaray labada kooxood
21-kulan oo ay kulmeen labada dhinac, Atletico Madrid ayaa haysata guulaha ugu badan. Waxay guuleysteen 14 kulan, afar waa laga badiyay seddexna bar baro.
Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay iska hor yimid sanadkii hore horyaalka La Liga, iyadoo Atletico Madrid ay 1-0 ku garaacday Levante. Gool uu qeybtii hore iska dhaliyay daafaca dhexe Bruno Gonzalez, oo haatan jooga Real Valladolid, ayaa u xaqiijisay guusha Atletico Madrid.