Falanqeynta Kulanka Liverpool Vs Aston villa ee Horyaalka Premier League

Liverpool ayaa martigelin doonta Aston Villa kulan ka tirsan Premier League iyadoo labada dhinacba ay isha ku hayaan inay gaaraan afarta Sare.

Jurgen Klopp ayaa rajeynaya in kooxdiisu ay ka soo kabsan karto guuldaradii isbuucaan ka soo gaartay Real Madrid ee Champions League.

Liverpool Vs Aston villa

Tartanka Premier league

Saacada 17:00 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Anfield

Liverpool

Liverpool wax dhaawac cusub ah kama walwal qabto ka dib ciyaartii ay la ciyaareen Real Madrid bartamihii isbuucaan. Jurgen Klopp, si kastaba ha ahaatee, wuu nasin karaa qaar ka mid ah ciyaartoyda ka hor kulanka lugta labaad ee Champions League.

Kabtanka kooxda Jordan Henderson ayaan diyaar u aheyn kulanka sababo la xiriira dhaawac gumaarka ah. Divock Origi sidoo kale wuxuu ku maqnaan doonaa dhaawac muruqa ah.

Daafaca dhexe ee saddexda ah Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip ayaa dhamaantood dhaawac looga saaray inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Dhaawacyada: Jordan Henderson, Divock Origi, Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip

Aston Villa

Dean Smith ayaa dib u soo dhaweyn kara kabtanka kooxda iyo taliyihii kooxda Jack Grealish kulankan. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Febraayo, ugu dambeyntiina wuxuu ku soo laaban karaa kooxda oo in badan la sugayay.

Kourtney Hause iyo Wesley ayaan diyaar u aheyn kulankaan dhaawac dartiis. Marka laga soo tago taas, Aston Villa waxay lahaan doontaa koox buuxda kulanka Liverpool.

Dhaawac: Kourtney Hause, Wesley

Shaki: Jack Grealish

Xaqiiqooyinka Labada Koox

Aston Villa ayaa laga yaabaa inay labo jeer ka sarre marto Liverpool markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkoodii ugu horeeyay ee Premier League 1992-93.

Lix ka mid ah 13-kii guul ee Premier League ee Villa ayaa lagu gaaray Anfield, in kastoo laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeysay.

Liverpool ayaan wax guul ah gaarin sideed kulan oo Premier League ah oo ay ku ciyaartay gurigeeda, waxaa laga badiyay lixdii kulan ee ugu dambeysay.

Shaxda Macquulka

Liverpool (4-3-3): Alisson; Andy Robertson, Ozan Kabak, Nathaniel Phillips, Trent Alexander-Arnold; Fabinho, James Milner, Curtis Jones; Sadio Mane, Xherdan Shaqiri, Roberto Firmino

Aston Villa (4-2-3-1): Emiliano Martinez; Matt Targett, Tyrone Mings, Ezri Konsa, Matty Cash; John McGinn, Douglas Luiz; Trezeguet, Morgan Sanson, Bertrand Traore; Ollie Watkins

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*