Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Liverpool Vs Everton ee Horyaalka Premier League England

Falanqeynta Kulanka Liverpool Vs Everton ee Horyaalka Premier League England

0

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku marti galin doonta kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League kulan la filayo in uu noqdo kulanka ugu adag sabtida ee Merseyside derby.

Liverpool Vs Everton

Tartanka Premier League

Saacada 20:30 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Anfield / Garsooraha ciyaarta Chris Kavanagh (England)

Xiddigaha khadka dhexe ee Liverpool Fabinho iyo James Milner ayaa labadoodaba shaki qaba waxana ay wajihi doonaan tijaabooyin taam ahaansho.

Naby Keita ayaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho kulankan laakiin Diogo Jota weli taam ma ahan.

Tababaraha Everton Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in gooldhaliyaha ugu sareeya Dominic Calvert-Lewin uu taam u yahay inuu kusoo bilowdo ka dib markii uu seegay labo kulan dhaawac muruqa cajirka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Allan ayaa sidoo kale la heli karaa markii ugu horeysay tan iyo bartamihii bishii Diseembar ka dib dhaawac muruqa ah oo isagu soo gaaray, laakiin Yerry Mina ayaa qaba dhibaato kubka ah.

Dhacdooyinka Dhexmaray labada Kooxood

Liverpool ayaa heysatay guulo taariikhi ah marka ay timaado Everton iyadoo Kooxda Everton guushoodii ugu dambeysay ay ka gaarto Liverpool ay aheyd 2010 garoonka Goodison Park.

Tan iyo 2010, Liverpool ayaa badisay seddex jeerna barbaro gashay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Everton.

Liverpool ayaan laga badinin 23kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan (W11, D12).

Everton 20-kulan oo xiriir ah oo aysan wax guul ah gaarin Liverpool waa tii ugu xumeyd oo ay kala kulanto hal koox oo ka soo horjeeda.

Kulankan ayaa ah kii ugu badnaa ee la soo ciyaaray taariikhda Premier League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here