Home Champions League Falanqeynta Kulanka Manchester City Vs Borussia Dortmund ee UEFA Champions League

Falanqeynta Kulanka Manchester City Vs Borussia Dortmund ee UEFA Champions League

0

Kooxda Manchester City ayaa soo dhaweeneyso Borussia Dortmund wareega 8 dhamaadka ee Champions league Garoonkeeda Etihad Stadium, Manchester City ayaa ku jirta Waqtiga feecan iyadoo ku dhow hanashada horyaalka halka Borussia Dortmund ay xaalada ku xuntahay madama ay ku dhowdahay in ay sanadkan ka harto Champions league.

Manchester City Vs Borussia Dortmund

Tartanka UEFA Champions League

Saacada 22:00 pm Waqtiga somaliya

Garoonka Etihad Stadium

Manchester City

Manchester City ayaa heysan arrimo dhaawac ah oo la ogyahay, waxaana tababare Pep Guardiola laga sugayaa inuu heysto koox dhameystiran oo uu ka soo xusho.

Dhaawac: Midna

Borussia Dortmund

Dhanka kale, maamulaha kumeel gaarka ah ee Borussia Dortmund Edin Terzic ma awoodi doono inuu u yeero adeega rugcadaaga bidix ee Marcel Schmelzer, daafaca dhexe ee reer France Dan-Axel Zagadou, qadka dhexe ee reer Belgium Axel Witsel, dhaliyaha dhalinta yar Youssoufa Moukoko iyo weeraryahanka reer England Jadon Sancho, kuwaas oo ah dhammaan dhaawac ah.

Dhaawac: Axel Witsel, Dan-Axel Zagadou, Marcel Schmelzer, Jadon Sancho, Youssoufa Moukoko

Xaqiiqooyinka Labada Koox

Laba kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood, Borussia Dortmund ayaa badisay hal kulan hal kulanna barbaro ayay gashay.

Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay ee ay iska horyimaadaan waxa ay aheyd 2012, iyadoo Borussia Dortmund ay 1-0 kaga badisay Manchester City. Gool qeybtii labaad uu dhaliyay weeraryahanka reer Jarmal Julian Schieber.

Shaxda Macquulka

Manchester City (4-2-3-1): Ederson Moraes, Kyle Walker, Ruben Dias, John Stones, Joao Cancelo, Ilkay Gundogan, Rodri, Ferran Torres, Kevin De Bruyne, Raheem Sterling, Sergio Aguero

Borussia Dortmund (4-1-4-1): Marwin Hitz, Emre Can, Manuel Akanji, Mats Hummels , Raphael Guerreiro, Thomas Delaney, Thorgan Hazard, Jude Bellingham, Julian Brandt, Marco Reus, Erling Braut Haaland

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here