Falanqeynta Kulanka Manchester City vs Brighton & Hove Albion ee Horyaalka Premier League

Manchester City ayaa dooneysa inay sii dheereysato guulaheeda tartamada oo dhan ilaa 7 kulan marka ay soo dhaweynayaan Brighton & Hove Albion Garoonkooda Etihad kulanka ka tirsan Horyaalka Premier League.

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaan ka maqnaandoono kulankan kadib markii Qof uu xiriir la sameeyay laga helay Corona.

Kulanka Manchester City vs Brighton & Hove Albion

Tartanka Premeir League

Wakhtiga: 21:00

Garoonka: Etihad

Ederson ayaa ciyaari kara kulankiisii ​​ugu horeeyay tan iyo markii uu ku dhacay viruska, laakiin Aymeric Laporte iyo Nathan Ake ayaa dhaawacan.

Brighton waxaa dhaawac uga maqan seddex ciyaaryahan Danny Welbeck, Aaron Connolly iyo Tariq Lamptey, halka Adam Lallana uusan fiicneyn halka Yves Bissouma uu ganaax ku maqnaan doono.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

City ayaan laga badinin todobadii kulan ee ugu sareysay horyaalka, iyagoo badiyay shan ka mid ah kulamadaas – oo ay ku jiraan mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay.

City ayaa laga dhaliyay 7 gool tan iyo bilowgii bishii October, taas oo afar gool ka yar kooxaha kale ee Premier League.

Ilkay Gundogan ayaa leh seddex gool afartii kulan ee ugu danbeysay ee Manchester City, ka dib 12 bilood iyo 21 kulan oo uusan laheyn wax goolal ah.

Brighton ayaan wax guul ah gaarin dhamaan 13-kii kulan ee ay ciyaareen Premier League bisha Janaayo (D6, L7) iyo sidoo kale dhamaan sagaal kulan oo ay ciyaareen Maalin Arbaco (D5, L4).

Kooxda Seagulls ayaa laga dhaliyay sideed gool oo Premier League ah oo laga dhaliyay xilli ciyaareedkaan (marka laga reebo rigoorooyinka), waana kooxda labaad ee ugu sareysa horyaalka marka la eego goolasha.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*