Falanqeynta Kulanka Manchester City Vs Leeds United ee Horyaalka Premier League

Kooxda Manchester City Ayaa Garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhaweeneysa Kooxda Leeds United, Manchester City ayaa Kulanka ku sii Xaqiijin hanashada Horyaalka.

Manchester City Vs Leeds United

Tartanka Premier league

Saacada 14:30 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Etihad Stadium

Manchester City

Mar labaad, Manchester City ma lahan dhaawacyo ama ganaaxyo ay ka walwalaan. Waxaan rajeyneynaa Pep Guardiola inuu ku dhawaaqo isbedelo kooban ka hor kulanka lugta labaad ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Borussia Dortmund.

Leeds United

Jack Harrison uma qalmo inuu wajaho kooxda Manchester City. Dhanka kale, Adam Forshaw wali lamaheli karo . Ma jiraan walaacyo cusub oo dhaawac ah .

Dhaawac: Adam Forshaw

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Leeds ayaa laga yaabaa inay garaacdo Manchester City kulan ka tirsan Premier League markii ugu horeysay tan iyo guushii 4-0 ay ku gaareen Maine Road bishii Janaayo 2001.

Leeds ayaa haysatay kubad haysasho 52% kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Manchester City horaantii xilli ciyaareedkan. Ma jirto koox waligeed haysatay inta badan kubad haysashada kooxda uu maamulo Pep Guardiola labadii kulan ee ugu sareysay xilli ciyaareed.

Manchester City ayaa u baahan 11 dhibcood toddobada kulan ee u harsan horyaalka si ay u damaanad qaado hanashada horyaalkeedii shanaad ee Premier League.

Shaxda Macquulka

Manchester City (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Ruben Dias, Aymeric Laporte, Benjamin Mendy; Bernardo Silva, Fernandinho, Ilkay Gundogan; Raheem Sterling, Gabriel Jesus, Riyad Mahrez

Leeds United (4-1-4-1): Aaron Meslier; Luke Ayling, Diego Llorente, Liam Cooper, Ezgjan Alioski; Kalvin Phillips; Raphinha, Tyler Roberts, Stuart Dallas, Matheusz Klich; Patrick Bamford

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*