Manchester City ayaa la ciyaaridoonta kooxda Sheffield United kulan ka tirsan Horyaalka ingariiska iyadoo ka warheysa in kooxdan ay tahay kooxda soo dubatay dhigeeda Manchester United.
Sheffield United ayaa booqaneysa iyadoo dhawaan kasoo badisay kooxda Manchester United isla horyaalka.
Kulanka Manchester City Vs Sheffield United
Tartanka Horyaalka Prermier League
Saacada 18:00 Waqtiga Somaliya
Garoonka Etihad Stadium
Manchester City ayaa markale waayi doonta weeraryahankeeda Sergio Aguero, kaas oo wali iskiis isku go’doominaya ka dib tijaabadii ugu dambeysay ee Covid-19.
Kevin de Bruyne iyo Nathan Ake ayaa dhaawac ku maqan.
John Egan ayaa ku soo laabtay kooxda Sheffield United ka dib markii uu ganaax ku maqnaa.
Maareeye Chris Wilder ayaa qiimeyn doona taam ahaanshaha dhowr ciyaartoy oo aan la magacaabin, iyadoo Oli McBurnie, Enda Stevens iyo Ben Osborn ay ka mid yihiin kuwa la waayey toddobaadyadii la soo dhaafay.
Dhacdooyinka Dhexmaray labada Kooxood
City ayaan laga badinin 11kii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda ku ciyaareen tartamada oo dhan tan iyo guuldaradii 3-2 ee ka soo gaartay Maine Road bishii October 1987, xilligaasoo Chris Wilder uu 90ka daqiiqo u ciyaaray Sheffield United.
The Blades ma aysan guuleysan mid ka mid ah sagaalkii kulan ee Premier League, seddex barbaro, lix waa laga badiyay, waxaana ay dhalisay kaliya hal gool.
City ayaa shabaqa ilaashatay mid kasta oo ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay.