Falanqeynta kulanka Manchester City Vs West Brom, Rikoor City u yaalla kulamadan

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda West Brom kulan ka tirsan todobaadkii 13-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan guulaha kadib bar-barihii ay la gashay kooxda Man United.

Dhanka kale West brom oo ku dhibaatoonaysa natiijooyinka ayaa doonaya in ay ka yaabsadaan kooxda Man City kana gaadhaan guul ay ku dhisaan xilli ciyaareedkooda.

Dhacdooyinka Labada Koox

Man City ayaa badisay 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Premier League wajahdo West Brom, waxayna ka dhalisay 37 gool, waxaana laga dhaliyay kaliya 9 gool Waan rikoodhkoodii ugu dheeraa ee guulaha ee aykoox ku lahayd premier League.

West Brom ayaa diirada saareysa guushii ugu horeysay ee Premier League ee Etihad Stadium Guushoodii ugu dambeysay ee horyaalka ee ay ku soo gaaraan garoonkooda kooxda Man City ayaa timid markii ay ku badiyeen 2-1 bishii February 2003 ciyaar ka dhacday Maine Road.

Kevin De Bruyne ayaa si toos ah ugu lug lahaa 12 gool sideedii kulan ee ugu dambeysay ee Premier League ee uu ka horyimid kooxaha soo dalacay isagoo dhaliyay shan gool isla markaana caawiye ka noqday 7 kale.

Haddii West Brom ay guuleysato waxay noqon doontaa guushoodii ugu horeysay ee Premier League ay gaadho maalin Salaasa ah kadib 28 jeer oo ay ku fashilanay, waa rikoodhkii ugu dheeraa ee ay koox raadi guul maalin khaas oo ka tirsan horyaalka.

Kulanka: Man City Vs West Brom

Tartanka: Premier Leagu

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Etihad Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*