Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Manchester United Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier League

Falanqeynta Kulanka Manchester United Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier League

0

Manchester United ayaa martigelin doonta Newcastle United kulan ka tirsan Premier League waxayna rajeyneysaa inay soo yareyso farqiga u dhexeeya hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Manchester City.

Manchester United Vs Newcastle United

Tartanka Premier League

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka  Old Trafford / Garsooraha Paul Tierney (England)

Manchester United ayaa qiimeyn doonta taam ahaanshaha Edinson Cavani iyo Donnie van de Beek, kuwaasoo labadoodaba laga reebay safka Europa League khamiistii dhaawac muruqa ah.

Scott McTominay ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii la bedelay kulanka Real Sociedad, halka Paul Pogba uu weli maqan yahay.

Daafaca Newcastle United Federico Fernandez ayaa ku soo laabtay tababarka waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka Wolves usbuuca soo socda.

Jeff Hendrick ayaa ka soo laabtay ganaax laakiin Callum Wilson ayaa wali dhaawac ah.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Manchester United ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ka horyimaadeen Newcastle United, oo ay ku jiraan 4-1 oo ay ku badiyeen labadii kulan ee ugu danbeysay.

Guushii kaliya ee ay gaareen Newcastle 37-dii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan garoonkooda Old Trafford waxa ay aheyd 1-0 oo ay ku garaaceen Premier League bishii Diseembar 2013.

Magpies ayaa laga badiyay 10 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaareen United ka dib markii ay dhaliyeen goolka furitaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here