Falanqeynta Kulanka: Newcastle United Vs Arsenal ee Horyaalka Premier League, Shaxda Macquulka ee Kulankan

Arsenal ayaa ku soo laabaneysa garoonkeeda isbuucaan iyagoo wajahaya Newcastle United kulanka ka dhacaya St James ‘Park. Gunners ayaa xilli ciyaareedkaan dhibtooneysa waxaana ay la kulmeen dhoor guul-darro.

Newcastle United Vs Arsenal

Tartanka Premier league 

Saacada 16:00 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka St James’ Park

Newcastle United: Joe Willock oo amaah kaga maqan Arsenal ayaan awoodi doono inuu la ciyaaro kooxdiisa rasmiga. Isaac Hayden, Jamaal Lascelles, Ryan Fraser, iyo Karl Darlow waa dhaawac waxaana laga reebay kulankaan.

Dhaawac: Jamaal Lascelles, Ryan Fraser, Karl Darlow, Isaac Hayden

Shaki: Fabian Schar

La heli karin: Joe Willock

Arsenal: Alexandre Lacazette ayaa qaba dhaawac waqti xaadirkaan waxayna u badan tahay inuusan halis galin kulankaan. Kieran Tierney wuxuu horumar ku sameeyay soo kabashadiisa wuuna ku soo laaban doonaa kulankaan.

Shaki: Alexandre Lacazette.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Newcastle United XI (3-5-2): Martin Dubravka; Paul Dummett, Ciaran Clark, Federico Fernandez; Matt Ritchie, Jacob Murphy, Miguel Almiron, Sean Longstaff, Jonjo Shelvey; Allan Saint-Maximin, Callum Wilson.

Arsenal ayaa XI (4-2-3-1): Bernd Leno; Kieran Tierney, Gabriel Magalhaes, David Luiz, Hector Bellerin; Mohamed Elneny, Granit Xhaka; Martin Odegaard, Willian, Gabriel Martinelli; Pierre-Emerick Aubameyang.

Xaqiiqooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Arsenal ayaa rikoor fiican ka heysata kooxda Newcastle United waxaana ay badisay 81 kulan oo ka mid ah wadar ahaan 186 kulan oo ay ciyaareen labada koox, Newcastle United ayaa soo guuleysatay 67 guul oo ay ka gaartay Arsenal.

Kulankii hore ee labadan koox wuxuu dhacay bishii Janaayo horaantii sanadkan wuxuuna ku dhamaaday 3-0 oo ay guusha ku raacday Arsenal. 

Newcastle United ayaa dhibtootay maalintaas waxayna u baahan doontaa inay xoojiso kulankaan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*