Falanqeynta Kulanka RB Leipzig Vs Liverpool ee Champions League

Kooxda Liverpool ayaa booqashada ugu tagidoonta kooxda RB Leipzig kulan ka tirsan Champions league lugta hore ee wareegiisa 16-aad Xili Reds ay guul darooyin la kulantay kulamadii ugu danbeeyay.

RB Leipzig Vs Liverpool

Tartanka Champions League

Saacada 23:00 pm waqtiga Somaliya

Garoonka Puskas Arena

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Naby Keita ayaan ka qeyb qaadan doonin kulanka kooxdiisii ​​hore ee RB Leipzig lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ka dhacaya Budapest.

Keita ayaan diyaar u aheyn inuu ciyaaro ka dib markii uu dhawaan ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac muruqa ah uu ku maqnaa tan iyo 19kii December.

Xiddiga garabka uga ciyaara RB Leipzig ee reer Netherlands Justin Kluivert ayaa shaki la galinayaa dhaawac anqawga ah laakiin Angelino ayaa ciyaari kara.

Daafaca dambeedka bidix ee reer Spain ayaa heshiis rasmi ah kaga soo biiray kooxda Manchester City.

Lugta hore waxaa lagu ciyaarayaa Hungary sababo la xiriira Covid-19. Sida ay haatan tahay, lugta labaad waxaa lagu ciyaari doonaa 10ka Maarso garoonka Anfield.

Dhacdooyinka labada Kooxood

Kulankaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhexmara RB Leipzig iyo Liverpool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*