Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta kulanka Real Betis Vs Barcelona ee Horyaalka La-liga Spain

Falanqeynta kulanka Real Betis Vs Barcelona ee Horyaalka La-liga Spain

0

Barcelona ayaa la ciyaareysa Kooxda Real Betis kulan muhim ah oo ka dhacaya Benito Villamarin Stadium . Kooxda reer Catalonia ayaa horumar sameysay intii uu macalin u ahaa Ronald Koeman xilli ciyaareedkan, waxaana ay kalsooni ku qabaan ka hor kulankaan in ay guuleysan karaan.

Kulanka Real Betis Vs Barcelona

Tartanka La Liga Spain

Saacada 23:00 Waqtiga Somaliya

Garoonka Estadio Benito Villamarin

Gerard Pique, Philippe Coutinho, iyo Ansu Fati ayaa hada ka soo kabsanaya dhaawacyo waqti dheer ah mana la heli doono kulankaan. Clement Lenglet oo nastay todobaadkan gudihiisa waxayna u badan tahay inuu Ronald Araujo kula wadaagi doono difaaca Barcelona.

Sergi Roberto ayaa dhaawac kale uu soo gaaray kulankii Granada waxaana la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono todobaadyada soo socda. Sergino Dest waa daafac midig oo dabiici ah waxayna u badan tahay inuu booskiisa ka ciyaari doono kulanka Real Betis.

Dhaawac: Gerard Pique, Sergi Roberto, Ansu Fati, Philippe Coutinho

Shaki: Midna

Real Betis

Dhaawac:  Dani Martin, Victor Camarasa, Diego Lainez

Shaki:  Claudio Bravo, Marc Bartra.

Dhacdooyinka Dhexmaray labada Kooxood

Barcelona ayaa rikoor fiican ka heysata Real Betis waxayna guuleysatay 24 kulan guud ahaan 39 kulan oo ay wada ciyaareen labada koox.

Real Betis ayaa badisay kaliya sideed guul oo ay ka gaareen Barcelona, ​​waxaana ay u baahan doonaan inay noqdaan kuwa ugu fiican kulankaan.

Kulankii hore ee labada dhinac sanadkii hore wuxuu ku dhamaaday guul 5-2 ah oo ay ka gaareen Barcelona. Ousmane Dembele, Lionel Messi , iyo Antoine Griezmann ayaa shabaqa soo taabtay maalintaas waxayna doonayaan inay saameyn ku yeeshaan kulankaan.

Ciyaaro.com Saadaasha Real Betis 0-3 Barcelona

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here