Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta kulanka Real Madrid Vs Athletic Bilbao, Xidigaha Macalin Zidane oo dib...

Falanqeynta kulanka Real Madrid Vs Athletic Bilbao, Xidigaha Macalin Zidane oo dib u soo celiyay guulahooda

0

Kooxda Real Madrid ayaa marti galinaysa kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Dhanka Athletic Bilbao ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 13-ad waliba guul gaadhay hal kulan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Dhacdooyinka laga diiwangaliyay Labada Kooxood

Real Madrid ayaan guuldaro kala kulmin kooxda Athletic Bilbao 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga iyaga oo waliba shabaqa ka ilaashatay tan ilaa bishii March 2015.

Real Madrid ayaa ka fogaatay guuldaro ay kala kulanto Athletic Bilbao 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay ku ciyaartay garoonkeeda.

Real Madrid ayaa laga badiyay kaliya 2 kulan oo ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka La Liga ciyaartay maalin Salaasa ah.

Real Madrid ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan waxana ay shabaqeeda ilaashatay 3-daas kulan waana rikoodhkoodii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Real Madrid Vs Athletic Bilbao

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 12:00

Garoonka: Estadio Alfredo Di Stefano

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here