Home Wararka Ciyaaraha Maanta Falanqeynta Kulanka Real Madrid Vs Getafe ee Horyaalka La-Liga Spain

Falanqeynta Kulanka Real Madrid Vs Getafe ee Horyaalka La-Liga Spain

0

Real Madrid ayaa garoonkeeda Estadio Alfredo Di Stefano kula ciyaari doonta kooxda Getafe kulan ka tirsan Horyaalka La Liga iyadoo kooxda ay dib boorka iskaga soo jaftay kulankeeda ugu danbeeyay oo ay badisay.

Kulanka Real Madrid Vs Getafe

Tartanka La Liga

Saacada 23:00 Waqtiga Somaliya

Garoonka Alfredo Di Stefano

Real Madrid waxaa heysta walaac xoogaa ah oo ay ka walwal qabto. Waxaa ka maqnaan doona garabka reer Belgium Eden Hazard, ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Uruguay Federico Valverde, weeraryahanka da’da yar ee reer Brazil Rodrygo iyo daafacyada dhexe Sergio Ramos iyo Eder Militao iyo xiddiga reer Spain Dani Carvajal, Lucas Vazquez iyo Alvaro Odriozola. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Toni Kroos ayaa ganaax ku maqan.

Dhaawacyada: Eden Hazard, Sergio Ramos, Federico Valverde, Rodrygo, Dani Carvajal, Alvaro Odriozola, Lucas Vazquez.

Dhanka kale, maamulaha kooxda Getafe Jose Bordalas ayaan awoodi doonin inuu u yeero adeega daafaca dhexe Djene, kaasoo ganaax ku maqan. Waxaa jira shaki ku saabsan helitaanka weeraryahan Dario Poveda.

Dhacdooyinka dhexmaray Labada Kooxood

25 kulan oo ay wada ciyaareen labada koox, Real Madrid ayaa badisay 20 kulan, seddex waa laga badiyay labona bar bar dhac ayay wada galeen.

Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay iska hor yimid sanadkii hore horyaalka La Liga, iyadoo Real Madrid ay 1-0 ku garaacday Getafe. 

Rigoore uu dhaliyay qeybtii labaad ee daafaca dhexe ee Sergio Ramos ayaa ku filneyd inay xaqiijiso guusha Los Blancos.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here