Falanqeynta Kulanka Real Madrid Vs Liverpool ee UEFA Champions League

Kooxda Real Madrid ayaa soo dhaweeneyso Liverpool wareega 8 dhamaadka ee Champions league Garoonkeeda Alfredo Di Stefano, Labada Kooxood ayaa ku jira xaalad adag marka la eego kulamadooda Horyaalada Premier league iyo La Liga.

Real Madrid vs Liverpool

Tartanka Champions League

Saacada 22:00 pm waqtiga Somaliya

Garoonka Alfredo Di Stefano

Real Madrid

Sergio Ramos ayuu dhaawac kasoo gaadhay Spain intii lagu jiray fasaxa xulalka waana laga saaray kulankan. Dani Carvajal iyo Federico Valverde ayaa sidoo kale dhaawac ku seegay kulankii Liverpool. Eden Hazard ayaa horumar ka sameeyay soo kabsashadiisa waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulankaan.

Dhaawacyada: Sergio Ramos, Dani Carvajal, Federico Valverde

Shaki: Eden Hazard

Liverpool

Dhibaatada dhanka daafaca ee Liverpool ayaa wali ah mid taagan iyadoo Virgil van Dijk, Joe Gomez, iyo Joel Matip ay ka dhaawacyihiin kulankaan. Jordan Henderson, Divock Origi, iyo Caoimhin Kelleher ayaa sidoo kale laga saaray kulankaan.

Dhaawacyada: Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip, Jordan Henderson, Divock Origi, Caoimhin Kelleher

Xaqiiqooyinka Dhexmaray Labada Dhexmaray

Real Madrid iyo Liverpool waxay wada badiyeen min saddex kulan guud ahaan lix kulan oo ay wada ciyaareen labada koox.

Real Madrid ayaa aheyd kooxdii ugu fiicneyd sanadihii la soo dhaafay, si kastaba ha ahaatee, waxay ilaashatay rikoor fiican seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay wada ciyaareen labada koox.

Kulankii hore ee labada koox ayaa ka dhacay finalka UEFA Champions League ee 2018 wuxuuna ku dhamaaday 3-1 oo ay ku badisay Real Madrid. 

Sergio Ramos iyo Mohamed Salah ayaa ku lug lahaa shil caan ah kulankaasi markii Sergio uu dhaawac culus oo dhanka garabka u geestay Salah.

Shaxda Macquulka ee labada Kooxood

Real Madrid ayaa Saadaaliyey XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Ferland Mendy, Nacho, Raphael Varane, Lucas Vazquez; Casemiro, Luka Modric, Toni Kroos; Marco Asensio, Vinicius Junior, Karim Benzema

Liverpool ayaa Saadaaliyey XI (4-3-3): Alisson Becker; Andrew Robertson, Ozan Kabak, Nathaniel Phillips, Trent Alexander-Arnold; Fabinho, Georginio Wijnaldum, Thiago Alcantara; Sadio Mane, Diogo Jota, Maxamed Saalax

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*