Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Real Madrid Vs Valencia ee Horyaalka La-liga Dalka Spain

Falanqeynta Kulanka Real Madrid Vs Valencia ee Horyaalka La-liga Dalka Spain

0

Real Madrid ayaa martigelin doonta kooxda Valencia ‘iyadoo kooxda Real Madrid ay dooneyso inay mar kale dib ugu soo laabato Booska labaad ee kala sareynta Horyaalka.

Real Madrid vs Valencia

Tartanka La Liga

Saacada 18:15 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Alfredo Di Stefano

Real Madrid waxaa ka maqnaan doona todobo ciyaartoy oo kooxda koowaad ah kulankan. Sergio Ramos, Eden Hazard, Rodrygo, Alvaro Odriozola, Federico Valverde iyo Eder Militao ayaa ku seegaya dhaawacyo.

Marcelo ayaa sidoo kale seegi doona ciyaarta ka dib markii uu dhaawac kubka ah soo gaaray bilowgii todobaadkan.

Si kastaba ha noqotee, Zinedine Zidane waxaa dhiirigalin u noqon doona soo laabashada Toni Kroos oo ganaax ku maqnaa. Dhanka kale, Lucas Vaszquez iyo Dani Carvajal ayaa sidoo kale loo gudbiyay taam ahaanshahooda kulankan.

Valencia sidoo kale waxaa ka maqnaan doona ciyaartooy yar oo kooxda koowaad ah kulankan.

Denis Cheryshev, Jasper Cillessen, Cristiano Piccini, Eliaquim Mangala iyo Mouctar Diakhaby ayaa seegi doona dhaawac dartiis. Dhanka kale, Hugo Guillamon ayaa ganaax ku seegaya kulanka.

Dhacdooyinka Dhexmaray labada kooxood

Real Madrid ayaa wax yar ka hooseysa kooxda Valencia iyadoo lagu saleynayo rikoorkii ugu dambeeyay ee ee labada koox.

Los Blancos ayaa badisay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, iyadoo Valencia ay badisay labo kulan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Javi Gracia, ayaa 4-1 ku xasuuqday Real Madrid kulankii ugu danbeeyay horaantii xilli ciyaareedkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here