Falanqeynta Kulamada la ciyaarayo Italy Sassuolo Vs AC Milan, Inter Vs Spezia Rossoneri oo hogaanka dheereesan karta

Kooxda Ac Milan ayaa marti ku ah guriga kooxda Sassuolo kulan ka tirsan Horyaalka Serie A lugtiisa 13-aad iyadoo kooxda Ac Milan ay raadineyso guul ay kulanka ka gaarto.

Ac Milan ayaa qasab ku ah in guul ka gaarto Sassuolo madama ay hal dhibac oo kaliya ay hogaanka kaga heyso Kooxda Inter Milan oo maanta ciyaareysa.

Xidigaha Maqan iyo kuwa Ciyaari kara

Ac Milan Ismael Bennacer ayaa garoomada uga maqnaan doona muddo bil ah dhaawac awgood waxaana booskiisa buuxin doona Sandro Tonali oo khadka dhexe ah.

20-sano jirkaan Pierre Kalulu ayaa kooxda usbuuca ee Serie A ka sameeyay kulankiisii ​​ugu horreeyay ee buuxa ee Milan wuxuuna rajeynayaa inuu sii wato daafaca dhexe.

Dhanka kale Kooxda Sassuolo Francesco Caputo ayaa qarka u saaran inuu kusoo laabto afka hore ee Neroverdi, halka Manuel Locatelli uu ganaax ku seegi doono kulankaan.

Dhacdooyinka Labada Koox

AC Milan ayaa dhalisay ugu yaraan 2 gool 14-kii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).

AC Milan ayaan laga badinin 24kii kulan ee ugu danbeysay (Serie A).

AC Milan ayaa badineysay labadii qeyb ee waqtiga iyo waqtiga buuxaba 4-tii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka kula soo ciyaartay Sassuolo tartamada oo dhan.

AC Milan ayaa guuleysatay 4-tii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka kula soo ciyaartay Sassuolo tartamada oo dhan.

Kulanka: Sassuolo Vs AC Milan

Tartanka: Serie A

Wakhtiga: 17:00 Galabnimo Waqtiga Somaliya

Garoonka: Mapei Stadium – Città del Tricolore

 

Inter Vs Spezia

Kooxda Inter Milan ayaa gurigeeda ku soo dhaweeneysa Maanta Kooxda Spezia kulan ka tirsan Horyaalka Dalka Taliyaaniga Wareegiisa 13-aad.

Inter Milan ayaa kulankan ugu fadhiya Qiimo weyn madama ay dooneyso in hogaanka qabato ama ilaaliso farqiga dhibcaha ee kala dhaxeeya Ac-Milan oo hogaanka heysa.

Hadii Ac-Milan laga badiyo inter-na ay badiso waxay ka dhigatahay in Inter ay qabato Hogaanka Horyaalka Serie A.

Xidigaha Maqan iyo kuwa Ciyaari kara

Inter Milan Achraf Hakimi iyo Arturo Vidal ayaa la filayaa inay kusoo bilowdaan isbuucaan, halka Alexis Sánchez uu dhaawac ku seegi karo.

Dhanka kale Kooxda Spezia Julian Chabot ayaa la ganaaxay, sidaa darteed daafacyada dhexe waxay noqon doonaan Claudio Terzi iyo Martin Erlic.

Dhacdooyinka Labada Koox

Inter ayaa badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).

Spezia ayaa laga dhaliyay ugu yaraan 2 gool  8 ka mid ah 10 kulan ee ugu danbeysay (Serie A).

Spezia ayaa ku guuldareysatay inay guuleysato 9 ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay (Serie A).

Kulanka: Inter Vs Spezia

Tartanka: Serie A

Wakhtiga: 17:00 Galabnimo

Garoonka: San Siro Stadium

 

Kulamada kale ee Horyaalka Serie A la Ciyaarayo

DECEMBER 20 Waqtiga Somaliya
14:30    Torin vs Bologna 
17:00    Benevento vs Genoa
17:00    Cagliari vs Udinese
17:00    Inter vs Spezia
17:00   Sassuolo vs AC Milan
20:00   Atalanta vs Roma
22:45   Lazio vs SSC Napoli

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*