Falanqeynta Kulanka Sevilla Vs Barcelona ee Koobka Copa del Rey

Barcelona ayaa la ciyaareysa Sevilla lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey iyagoo doonaya inay ku guuleystaan ​​koobkoodii 31-aad madama ay horay u soo qaadeen kooban 30 mar.

Kulanka Sevilla VBarcelona

Tartanka Copa del Rey

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Estadio R. Sanchez Pizjuan

Sevilla:- Sevilla ayaa qarka u saaran inay kusoo dhaweyso xiddigooda qadka dhexe iyo laacibkii hore ee Barcelona Ivan Rakitic khadkooda dhexe kadib ganaax hal kulan ah.

Julen Lopetegui wax walwal ah oo cusub ma qabo ka hor kulankaan.

Barcelona:- Daafaca da’da yar Ronald Araujo ayaa dhaawac ka soo gaaray canqowga, sida baaritaannada la sameeyay Isniintii muujinayaan.

Wuxuu ku biiri doonaa qolka daaweynta ee horeyba uga jireen Sergi Roberto iyo Gerard Pique. Lionel Messi waa inuu ku soo laabto shaxdiisa, halka Ansu Fati uu isna muddo dheer ka maqnaado Barcelona.

Dhaawac: Gerard Pique, Sergi Roberto, Ansu Fati, Ronald Araujo.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Barcelona ayaa ku raaxeysaneysay kulamada ay ka hortimid Sevilla, iyagoo badiyay 36 jeer. Dhanka kale, 11 kulan oo udhaxeeyay labadooda ayaa barbaro ku soo dhamaaday, halka ay sagaal guul ay gaareen Sevilla.

Natiijooyinkii ugu dambeeyay iyo qaab ciyaareedkaan waxay kadhigeysaa kulan xiiso badan, maadaama Sevilla ay aqoon u leedahay garaacista kooxaha waaweyn ee Spain.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*