Falanqeynta Kulanka Sheffield United Vs Arsenal ee Horyaalka Premier League

Arsenal ayaa booqasho ugu tageyso kooxda Sheffield United kulan ka tirsan Horyaalka Premier League, Arsenal ayaa kulankeeda ugu danbeeyay bar-baro la gashay Slavia UEFA Europa League.

Sheffield United Vs Arsenal

Tartanka Premie League

Saacada 21:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Bramall Lane

Sheffield United

Sheffield United waxaa ka maqnaan doona ciyaartoy badan kulankan. John Egan, Sander Berge, Jack O’Connell iyo Chris Basham ayaa dhamaantood diyaar u aheyn dhaawac dartiis.

Jayden Bogle iyo George Baldock ayaa haatan ku jira shaki. Jack Robinson, Billy Sharp iyo Jack Rodwell ayaa qaba dhaawacyo waqti dheer ah.

Dhaawacyada: John Egan, Sander Berge, Chris Basham, Jack O’Connell, Jack Robinson, Billy Sharp, Jack Rodwell

Shaki: Jayden Bogle. George Baldock

Arsenal

Arsenal waxay waayi doontaa Kieran Tierney, David Luiz iyo Martin Odegaard dhaawacyo dartood.

Dhaawac: Kieran Tierney, David Luiz, Martin Odegaard

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Taariikh ahaan, Arsenal ayaa guulo badan marka la eego kulamada ay ka hortimid Sheffield United.

Gunners ayaa 2-1 ku badisay kulankii ka horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Shaxda Macquulka Labada Kooxood

Sheffield United (3-5-2): Aaron Ramsdale; Enda Stevens, Phil Jagielka, Etham Ampadu; Ben Osborn, John Fleck, Oliver Norwood, John Lundstram, Max Lowe; Oliver McBurnie, David McGoldrick

Arsenal (4-2-3-1): Bernd Leno; Cedric Soares, Pablo Mari, Rob Holding, Callum Chambers; Granit Xhaka, Dani Ceballos; Willian, Emile Smith-Rowe, Bukayo Saka; Alexandre Lacazette

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*