Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta kulanka Southampton Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League

Falanqeynta kulanka Southampton Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League

0

Southampton ayaa marti galin doonta kooxda chelsea oo qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee premier League kadib guulo muhiim ah oo ay gaartay kulamadii ugu danbeeyay.

Southampton Vs Chelsea

Tartanka Premier League

Saacada 15:30 pm waqtiga somaliya

Garoonka St. Mary’s Stadium / Garsooraha Anthony Taylor (England)

Daafaca buuxa ee Southampton Kyle Walker-Peters ayaa la filayaa inuu seego inta ka harsan bishaan dhaawac muruqa ah oo soo gaaray isbuucii hore.

Wuxuu ku biirayaa Theo Walcott iyo Ibrahima Diallo oo ka garab ciyaaraya.

Weeraryahanka Chelsea Tammy Abraham ayaa si dhaqso ah uga soo kabtay dhaawac canqowga ah oo ka soo gaaray kulankii Newcastle Isniintii wuuna ciyaari karaa.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Kai Havertz ayaa sidoo kale taam ah mar kale ka dib markii dhaawac uu soo gaaray laakiin Thiago Silva iyo Christian Pulisic ayaan la heli karin.

Dhacdooyinka dhexmaray labada Kooxood

Chelsea ayaa shan guul oo xiriir ah Premier League ka gaartay kooxda Southampton.

Saints ayaa badisay kaliya hal kulan 11kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, labo barbaro ayey galeen sideedana waa laga badiyay.

Southampton ayaa laga badiyay lix kulan oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay taariikhda.

Chelsea ayaan laga badinin lixdii kulan ee ay ciyaareen tartamada oo dhan tan iyo markii uu la wareegay Thomas Tuchel, isagoo badiyay shan ka mid ah, waxaana laga dhaliyay kaliya hal jeer.

Kulamada kale ee la ciyaarayo Maanta

ENGLAND – PREMIER LEAGUE    FEBRUARY 20
15:30 Southampton ? – ? Chelsea
18:00 Burnley ? – ? West Bromwich Albion
20:30 Liverpool ? – ? Everton
23:00 Fulham ? – ? Sheffield United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here