Falanqeynta Kulanka Southampton Vs Manchester City ee Horyaalka Ingariiska

Manchester City ayaa u safreysa Southampton galabnimada Sabtida ah iyagoo  barbaro is xigxigay galay taasoo sii xumaysay rajadooda hanashada Premier League.

Citizens ayaa sideed dhibcood u jirta hogaamiyaasha Liverpool iyadoo kulan baaqi u yahay, halka Southampton ay afar dhibcood ka sareeya kuna jira kaalinta seddexaad ka dib markii ay si fiican ku bilowdeen ololahan.

Dhacdooyinka laga diiwangaliyay Labada Kooxood

Guushii Southampton ee 1-0 bishii July ayaa soo afjartay 7 guul darro oo xiriir ah oo ka soo gaartay Manchester City.

Saints ayaa laga yaabaa inay ka badiso City markii ugu horeysay tan iyo markii ay seddex kulan oo isku xigta badisay intii u dhaxeysay 2001 iyo 2003.

Saints ayaa kaliya laga badiyay mid ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka, iyada oo badisay 7 ka mid ah kulamadaas.

Manchester City ayaa barbareyn karta seddex kulan oo isku xigta horyaalka markii ugu horeysay tan iyo markii ay sidan oo kale u dhacday intii u dhaxeysay March iyo April 2017.

City ayaa badisay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda taas oo bilaabatay 3-da galabnimo maalin Sabti ah, iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee noocan oo kale ahi ka soo gaadhay Aston Villa sanadkii 2013.

Wadar ahaan 20 dhibcood 12 kulan oo ay ciyaareen waxay la micno tahay tani inay tahay bilowgii ugu xumaa ee xilli ciyaareedkan ee tababare Pep Guardiola.

Kulanka: Southampton Vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Fiidnimo

Garoonka: St Mary’s Stadium

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*