Kooxda Spezia ayaa gurigeeda ku soo dhaweeneysa kooxda heysa hogaanka horyaalka Serie A ee Ac Milan oo 49 dhibcood ku heysa hogaanka horyaalka.
Kulanka Spezia vs AC Milan
Tartanka Serie A
Saacada 22:45 pm Waqtiga Somaliya
Garoonka Stadio Alberto Picco
Le Aquile ayaa hada kujirta xaalad adag, iyadoo gooldhaliyaha kooxda M’Bala Nzola iyo Roberto Piccoli ay labaduba dhaawacan yihiin.
Daafaca kale ee midig, Federico Mattiello, ayaa muddo dheer maqnaa tan iyo bishii November.
Si kastaba, ciyaaryahanka khadka dhexe Riccardo Saponara ayaa ku soo laaban doona kooxda ka dib ganaax hal kulan ah ka dib markii uu casaan qaatay kulankii Udinese bishii hore.
Dhaawacyada: M’Bala Nzola, Roberto Piccolo, iyo Federico
Ac Milan:- Stefano Pioli ayaa qaba walwal dhaawac oo isaga u gaar ah, iyadoo Brahim Diaz iyo Simon Kjaer ay dhaawacyo ku maqan yihiin Labadaba waxaa lagu wadaa inay seegaan kulanka.
Daafaca midig Davide Calabria ayaa ganaax ku seegaya sababo la xiriira uruurinta kaararka.
Dhaawac: Stefano Piolo iyo Brahim Diaz
Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood
AC Milan ayaa garaacday Spezia labadii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen.
Markii ugu horreysay waxay ahayd 3-1 oo ay ku badisay Coppa Italia bishii Janaayo 2014, waxaana ku xigay 3-0 oo ay ku garaacday horyaalka San Siro horaantii ololahan.
Si kastaba ha noqotee, tani waxay noqon doontaa safarkoodii ugu horreeyay abid ay ku aadaan magaalada dekedda leh ee Ligurian.