Falanqeynta Kulanka Swansea City Vs Manchester City ee Koobka FA Cup-ka

Swansea City ayaa marti galin doonta kooxda Manchester City garoonka Liberty Stadium kulan ka tirsan wareega 5-aad ee FA Cup .

Kulanka Swansea City Vs Manchester City

Tartanka FA Cup-ka

Saacada 20:30 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Liberty Stadium

Swansea City Tababaraha Swansea City Steve Cooper ayaan awoodi doonin inuu u yeero adeega weeraryahanka da’da yar Liam Cullen iyo goolhayaha reer Jarmal Steven Benda, oo labaduba dhaawacyo kalkaal caafimaad qaba.

Dhaawac: Steven Benda, Liam Cullen

Manchester City waxaa ka maqnaan doona xiddigooda khadka dhexe Kevin De Bruyne, xiddiga reer Argentina Sergio Aguero iyo daafaca reer Holland Nathan Ake, kuwaas oo dhammaantood dhaawac ah.

Dhaawacyada: Kevin De Bruyne, Sergio Aguero, Nathan Ake.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

16-ka kulan ee u dhexeeyay labada dhinac, Manchester City Waxay guuleysteen 13 kulan, hal guul darro iyo labo barbaro.

Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay waxay is wajaheen sanadkaan 2019 wareega 8-dhamaadka FA Cup, iyadoo Manchester City 3-2 ku garaacday Swansea City. Goolasha qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal Bernardo Silva iyo gooldhaliyaha reer Argentina Sergio Aguero, iyo gool uu iska dhaliyay goolhayaha reer Sweden Kristoffer Nordfeldt.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Matt Grimes iyo garabkii hore ee Manchester City Bersant Celina, oo haatan jooga Dijon, ayaa goolasha u dhaliyay Swansea City waqtigaasi.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*