Falanqeynta Kulanka West Bromwich Albion vs Arsenal: Gunners oo guushii Sadexaad raadineysa

kooxda Arsenal ayaa booqaneysa garoonka The Hawthorns halkaasi oo kula ciyaareyso kooxda West Bromwich Albion kulanka ka tirsan Horyaalka Premier league oo meel xiiso ah maraya.

Gunners ayaa raadineysa guushii 3-aad oo xiriira ah si ay u soo gasho booska 12-aad ee Horyaalka.

Xidigaha ka maqan kulankan iyo kuwa dib u soo laabanaya.

Wes Brom:- Kieran Gibbs ayaa ku dhaawacmay kulankii Leeds Talaadadii waxaana laga yaabaa inuu seego kulanka kooxdiisii ​​hore.

Manchester United:-

David Luiz iyo Willian ayaa diyaar u noqonaya safarka  West Brom ka dib markii ay labadoodaba la tacaalayeen xanuun isbuucii la soo dhaafay. Gabriel waxaa laga helay COVID-19.

Thomas Partey ayaa ku soo laabtay tababarka laakiin lama filayo inuu ciyaaro isbuucaan.

Alexandre Lacazette ayaa rajeyn doona in lagu abaalmariyo safka hore ka dib markii uu ka soo kacay kursiga keydka si uu goolka guusha u dhaliyo Brighton Talaadada.

Gabriel Martinelli ayaa ku soo bilaabay seddex kulan oo isku xigta ka dib dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa, waxaana laga yaabaa inuu noqdo midka wadada u baneynaya Lacazette.

Dani Ceballos iyo Joe Willock ayaa ah xulashooyinka khadka dhexe haddii Arteta uu dareemo in waji cusub loo baahnaado.

West Bromwich Albion vs Arsenal

Tartanka: premier league

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo Waqtiga Somaliya

Garoonka: The Hawthorns

Dhacdooyinka labada Kooxood laga diiwaangaliyay

Arsenal ayaa bilaa guul ah sedexdii kulan ee hore ee ay ku soo ciyaareen garoonka West Brom , laba jeer waa laga badiyay waxaan ku jira kulankii 2/1 ahaa ee November 2015-ka xilligaas oo macalinka haatan Arsenal Arteta iska dhaliyay gool.

Guusha kaliya ee Albion ee timid 16-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee xili ciyaareedkaan waxa ay ka gaareen Sheffield United waxa ayna ku jiraan booska 19-aad.

Arsenal waxa ay kaliya guul gaareen hal kulan 6-doodi kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee banaanka garoonkooda waliba iyaga oo la ciyaara kooxaha horyaalka u soo dalacay dhawaan , laba bar bar dhac iyo sedex guul darrro , waxa ayna guushaas dhawan ka gaareen Fullham

Aubameyang waxa uu kulankaan u noqonayaan kiisii 100-aad ee horyaalka ee uu la soo muuqanayo Arsenal

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*