Home Wararka Ciyaaraha Maanta Falanqeynta Kulanka West Ham United Vs Liverpool ee Horyaalka Premier League Dalka...

Falanqeynta Kulanka West Ham United Vs Liverpool ee Horyaalka Premier League Dalka ingariiska

0

Kooxda Liverpool ayaa booqaneysa kooxda West Ham United kulan ka tirsan Horyaalka Ingariiska iyadoo kooxda ay kulankeeda ugu danbeeyay garaacday Tottenham taasi oo nafta ku soo celisay xaalada sii xumaaneysay ee Reds.

Kulanka West Ham United Vs Liverpool

Tartanka Premier League

Saacada 19:30

Garoonka London Stadium

Tababaraha West Ham David Moyes ayaan soo sheegin wax walwal ah oo dhaawac cusub ah ka hor kulanka Liverpool.

Amaahdii Jessie Lingard ee uu uga soo dhaqaaqay Manchester United lama filayo in la soo gabagabeeyo si uu ugu lug yeesho kulanka.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ku rajo weyn in dhaawaca canqowga ah ee soo gaaray Joel Matip kulankii Spurs khamiistii uusan aheyn mid halis ah laakiin ciyaaryahanka ayaa sugaya baaritaan.

Fabinho wali lama heli karo.

Dhacdooyinka dhexmaray labada Kooxood

  • West Ham ayaa badisay sagaal kulan oo Premier League ah iyagoo aan wax guul ah ka gaarin Liverpool Waa rikoorkoodii ugu xumaa kulankaan tan iyo 10 kulan oo xiriir ah oo u dhexeysay Sebtember 2000 iyo Janaayo 2007.
  • Hammers guushoodii ugu dambeysay ee ay ka gaarto Reds waxa ay aheyd kulan ku celis ah wareega afaraad ee FA Cup oo ka dhacay Upton Park bishii Febraayo 2016.
  • Liverpool ayaan laga badinin afartii kulan ee ay booqdeen London Stadium (W3, D1).
  • Guushii Khamiista ee Spurs ayaa aheyd tii ugu horreysay ee Liverpool lix kulan oo horyaalka ah waxayna soo afjartay afar kulan oo xiriir ah oo aan gool la iska dhalin.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here